Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa maanta xarunta wasaaradda kula kulmay wafdi ay hoggaamineysay Xoghayaha Guud iyo Madaxa Hey’adda LM international Marwo Josephine Sundqvist.
Hey’adda LM international oo ah hey’ad caalami ah oo ka shaqeysa arrimaha nabad-dhisidda iyo horumarinta dhallinyarada ayaa waxa ay Wasaaradda kala hadleen barnaamijyada hal-abuurka & xirfadsiinta dhallinyarada iyo awoodsiinta dhallinyarada ee arrimaha nabadda iyo amniga.
Ugu dambayn, labada dhinac ayaa isla gartay sidii looga wadashaqeyn lahaa fulinta siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo helidda xarun dhallinyaro oo ka shaqeysa xirfadsiinta dhallinyarada.
Scroll to Top