Wararka

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS, 𝐌𝐝. 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐪𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐥𝐢 ayaa xarunta Wasaaradda kusoo dhoweeyay Wakiilka cusub ee Hay’adda UNDP u fadhiya Soomaaliya, 𝐌𝐝. 𝐂𝐡𝐫𝐢𝐬𝐭𝐨𝐩𝐡𝐨𝐫𝐨𝐬 𝐏𝐨𝐥𝐢𝐭𝐢𝐬.

​Kulankan oo ahaa mid is-barasho iyo xiriir xoojin ah, ayaa diiradda lagu saaray qodobada ugu muhiimsan ee horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed: -​Balaarinta Barnaamijyada Muhiimka ah: Dhameystirka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada, Nabadda & Amniga. -​Xirfad U Sameynta Dhallinyarada: Barnaamijyo shaqo-abuur iyo kobcin xirfadeed loogu tusaaleynayo dhallinyarada. -​Dugsiga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda: Xoojinta mashruuca wadajirka ah ee lagu dhisayo hab-fikirka nabadaha iyo dimoqraadiyadda. ​Md. Christophoros Politis ayaa u mahadceliyay hoggaanka Wasaaradda, isagoo adkeeyay in UNDP ay ka go’an tahay fulinta dhammaan heshiisyada iyo qorsheyaasha awoodsiinta dhallinyarada

Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS oo ay weheliyaan qaar kamid ah mas’uuliyiinta Wasaaradda, ayaa maanta xarunta Guddiga Olombikada Soomaaliyeed kula kulmay xiriirrada kala duwan ee ciyaaraha dalka.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd dhaqan-gelinta Siyaasadda Horumarinta Isboortiga, oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada JFS. Siyaasaddan ayaa muhiim u ah horumarinta iyo jihaynta Isboortiga Soomaaliyeed, kaas oo muddo 35-kii sano ee la soo dhaafay soo maray duruufo iyo caqabado kala duwan. Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, xiriirrada kala duwan ee ciyaaraha, naadiyada, ururrada iyo haldoorka ciyaartooyda Soomaaliyeed waxay laf-dhabar u noqdeen sii jiritaanka Isboortiga dalka. Iyadoo ay jireen xaalado adag iyo burbur, waxay door muhiim ah ka qaateen tababarka, dhiirrigelinta iyo kobcinta dhallinyarada Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, iyagoo xaqiijiyey in uusan damin iftiinka Isboortiga Soomaaliyeed. Kulanka maanta waxaa si wadajir ah looga tashaday hirgelinta tiirarka iyo ujeeddooyinka Siyaasadda Horumarinta Isboortiga, si loo gaaro himilooyinka fog ee Isboortiga dalka. Sidoo kale, waxaa la isla meel dhigay hawlaha mudnaanta u leh fulinta siyaasadda, oo ay ka mid yihiin diyaarinta Qorsha Hawleedka Isboortiga ee 2026-2030, iyo diyaarinta Sharciga Qaran ee Isboortiga. Tallaabooyinkan ayaa muhiim u ah dhismaha nidaam Isboorti oo casri ah, waara, isla markaana fursado wanaagsan u abuura dhallinyarada iyo ciyaartooyda Soomaaliyeed.

Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaarahaa XFS ayaa kulan la qaatay gudoonka sarre iyo xubnaha golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa lagu lafa guray diyaarinta Istaraatiijiyadda iyo xeerarka dhismaha gollaha dhallinyarada Qaranka maadama gudoomiye cusub ay yeesheen dhawaan ,waxaana diiradda la saaray sameenta iyo diyaarinta xeerarka sanduuqa dhaqaalaha Dhallinyarada, ayadoo laga talaaba qaadayo xaaladda Dhallinyarada dalka iyo hormarinta golaha Dhallinyarada Qaranka, si loo helo istaraatiijiyad hagta Dhallinyarada Soomaaliyeed. Kulanka waxaa ka qayb galay, Agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaradda, agaasimaha waaxda horumarinta Dhallinyarada, Gudoomiyaha iyo xubnaha kala duwan ee Golaha. Ugu dambayn,agaasimaha ayaa bogaadiyay howlaha dhallinyarada qaranka u taagan yihiin isagoona balan qaaday sare uqaadida golaha iyo kaalinta uu bulshada kaga jiri sidii loo xoojin lahaa.

Wararka

Munaasabadda daahfurka Sharciga Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo uu ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda daahfurka Sharciga Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo uu ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa Wasiirku ka hadlay muhiimadda ay leedahay in dalka uu yeesho sharci u gaar ah da’yarta, kaas oo ay Wasaaraddu iyo carruurta Soomaaliyeed baahi weyn u qabaan. “Waxaa soo noqnoqda kiisaska lagu waxyeelleeyo carruurta iyo da’yarta Soomaaliyeed. Dhanka kale, waxaa qaati laga taagan yahay mararka qaar da’yar u soo baxa inay fowdo ka abuuraan goobaha la isugu yimaado, sida garoomada iyo waddooyinka, iyagoo wata agabyo khatar ku ah naftooda iyo dadka kaleba. Taasi waxay kuu muujinaysaa inay ka luntay abaabintii iyo hagitaankii saxda ahaa, in la helo sharci ilaalinaya da’yarta, isla markaana dadka ay dhibaataynayaan ka ilaalinaya, waa arrin aad u wanaagsan,” ayuu yiri Wasiirku. Shirkan lagu daahfuray Sharciga Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo Wasiirku marti ku ahaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay wasiirro uu hoggaaminayay Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallin iyo sidoo kale bahda caddaaladda, hay’adaha xuquuqul insaanka, Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. “Soo saarista sharcigan waa tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa dowladnimada, sareynta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda da’yarta Soomaaliyeed,” ayuu intaas ku daray Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali.

Wararka

Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada ayaa si weyn loogu xusay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddaan oo ay soo abaabushay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiiro, Madax ka socotay Hey’adaha Caalamka, Ururada Dhallinyarada, Bahda Waxbarashada iyo Dhallinyarada baahiyaha gaarka ah qaba. Dood-cilmiyeed ku aaaddan hal-ku-dhigga sanadkaan oo ah “Xaalado Kala Duwan, Himilooyin Wadaag ah” ayaa waxaa yeeshay dhallinyaro kala mataleysay hey’adaha caalamka, dowladda iyo ururada dhallinyarada. Munaasabadda waxaa qeyb ka ahaa tijaabi nasiibkaaga uu ku xusnaa Safar Aqoon kororsi iyo taariikhda Xadaradeed ah kaas oo qaar ka mid ah dhallinyarada kasoo qeybgashay ay ku nasiib u heleen ayagoo kala matalayay Ururada Dhallinyarada,Jaamacadaha,Naafada iyo qaybaha kale ee Dhallinyarada. Wasiirada iyo madaxda kasoo qeybgashay munaasabadda ayaa khudbado ay jeediyeen Hambalyo ugu diray Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaga oo ku bogaadiyay kaalinta miisanka leh oo ay ka qaataan dib u dhiska dalka. Wasiirka Wasaaradda oo munaasabadda soo gunaanaday ayaa tilmaamay in Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS ay ka go’antahay awood-siinta dhallinyarada oo ay Wasaaradda u aragto waajib muhiim ah.

Ciyaaro

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐛𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐨𝐫𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐤𝐮𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐠𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐱𝐞𝐲𝐬𝐚𝐲 𝐊𝐨𝐨𝐱𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐎𝐑𝐒𝐄𝐄𝐃 𝐈𝐘𝐎 𝐇𝐄𝐄𝐆𝐀𝐍, taasoo kusoo idlaatay (𝐇𝐨𝐫𝐬𝐞𝐞𝐝 𝟑-𝟐 𝐇𝐞𝐞𝐠𝐚𝐧).

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐛𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐨𝐫𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐤𝐮𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐠𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐱𝐞𝐲𝐬𝐚𝐲 𝐊𝐨𝐨𝐱𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐎𝐑𝐒𝐄𝐄𝐃 𝐈𝐘𝐎 𝐇𝐄𝐄𝐆𝐀𝐍, taasoo kusoo idlaatay (𝐇𝐨𝐫𝐬𝐞𝐞𝐝 𝟑-𝟐 𝐇𝐞𝐞𝐠𝐚𝐧). Ciyaartan ayaa ka mid ahayd barnaamijyada lagu maamuusayo 𝐓𝐨𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐨𝐫𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚, iyadoo ujeeddadeedu ahayd dhiirrigelinta isboortiga iyo xoojinta dareenka waddaniyadda. Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS, 𝐌𝐝: 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐪𝐚𝐝𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐥𝐢 oo goob joog ahaa ciyaarta, ayaa hambalyo u diray kooxda Horseed guusha ay gaartay, sidoo kalena ku ammaanay labada kooxood ciyaarta quruxda badan iyo bandhigga hufan ee ay soo bandhigeen. Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa qabanqaabada munaasabadaha kala duwan ee lagu xusayo Toddobaadka Xorriyadda, kuwaas oo isugu jira isboorti, dhaqan iyo wacyigelin, si loo adkeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

Scroll to Top