Author name: Abdulkadir Ashara

Ciyaaro

๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐›๐š๐ง๐ช๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐“๐จ๐๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐—๐จ๐ซ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง ๐ค๐ฎ๐›๐š๐๐๐š ๐œ๐š๐ ๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฑ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ฒ ๐Š๐จ๐จ๐ฑ๐š๐ก๐š ๐‡๐Ž๐‘๐’๐„๐„๐ƒ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐‡๐„๐„๐†๐€๐, taasoo kusoo idlaatay (๐‡๐จ๐ซ๐ฌ๐ž๐ž๐ ๐Ÿ‘-๐Ÿ ๐‡๐ž๐ž๐ ๐š๐ง).

๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐›๐š๐ง๐ช๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐“๐จ๐๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐—๐จ๐ซ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง ๐ค๐ฎ๐›๐š๐๐๐š ๐œ๐š๐ ๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฑ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ฒ ๐Š๐จ๐จ๐ฑ๐š๐ก๐š ๐‡๐Ž๐‘๐’๐„๐„๐ƒ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐‡๐„๐„๐†๐€๐, taasoo kusoo idlaatay (๐‡๐จ๐ซ๐ฌ๐ž๐ž๐ ๐Ÿ‘-๐Ÿ ๐‡๐ž๐ž๐ ๐š๐ง). Ciyaartan ayaa ka mid ahayd barnaamijyada lagu maamuusayo ๐“๐จ๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐—๐จ๐ซ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š, iyadoo ujeeddadeedu ahayd dhiirrigelinta isboortiga iyo xoojinta dareenka waddaniyadda. Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS, ๐Œ๐: ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ช๐š๐๐ข๐ซ ๐‚๐š๐ฅ๐ข oo goob joog ahaa ciyaarta, ayaa hambalyo u diray kooxda Horseed guusha ay gaartay, sidoo kalena ku ammaanay labada kooxood ciyaarta quruxda badan iyo bandhigga hufan ee ay soo bandhigeen. Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa qabanqaabada munaasabadaha kala duwan ee lagu xusayo Toddobaadka Xorriyadda, kuwaas oo isugu jira isboorti, dhaqan iyo wacyigelin, si loo adkeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

Wararka

WAKIILKA CUSUB EE UNFPA SOMALIA OO BOOQASHO RASMI AH KU YIMID WASAARADDA DHALLINYARADA IYO ISBOORTIGA XFS.

WAKIILKA CUSUB EE UNFPA SOMALIA OO BOOQASHO RASMI AH KU YIMID WASAARADDA DHALLINYARADA IYO ISBOORTIGA XFS. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (XFS), oo sii xoojinaysa wada-shaqeynta dhow ee ay la leedahay hayโ€™adaha caalamiga ah, ayaa maanta xarunteeda ku qaabishay wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka cusub ee UNFPA Soomaaliya, Mudane Judicaรซl ELIDJE. Kulanka oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS, isla markaana ay goob joog ka ahaayeen qaar kamid ah howlwadeennada Wasaaradda, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan barnaamijyada la xiriira horumarinta dhallinyarada, kobcinta ka-qaybgalka bulshada, iyo taageeridda isboortiga gabdhaha. Wasiirka ayaa si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Wakiilka cusub ee UNFPA Soomaaliya, isagoo ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay isla markaana muujiyay sida ay Wasaaraddu uga goโ€™an tahay sii wadista wada-shaqeynta miro-dhalka ah ee kala dhaxeysa hayโ€™adda UNFPA. Dhankiisa, Wakiilka cusub ee UNFPA Soomaaliya, Mudane Judicaรซl ELIDJE, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka iyo masuuliyiinta Wasaaradda soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, isagoo adkeeyay sida ay UNFPA uga goโ€™an tahay sii xoojinta iskaashiga ay la leedahay Wasaaradda. Sidoo kale, Ku-xigeenka Wakiilka UNFPA Soomaaliya, Mudane Francis Nyasi, oo kulanka goob-joog ka ahaa, ayaa warbixin ka bixiyay halka ay marayaan qorsheyaasha iyo barnaamijyada UNFPA ee la xiriira horumarinta dhallinyarada iyo taageeridda isboortiga gabdhaha ee Soomaaliya. Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS iyo hayโ€™adaha caalamiga ah, si loo horumariyo fursadaha iyo adeegyada loo fidinayo dhallinyarada Soomaaliyeed

Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa Furay Aqoon-is-weydaarsiga dhameystirka mashruuca YOU-ACT oo ay soo agaasintay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Aqoon-is-weydaarsiga dhameystirka mashruuca YOU-ACT oo ay soo agaasintay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Ayadoo laga duulaayo muhiimadda ay leedahay in mashaariicda la fulinaayo ay noqdaan kuwa waara, sidoo kalena saameyn dheer ku yeesha bulshada, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS oo kaashaneysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle iyo hey’adaha FAO, IOM iyo UN Peacebuilding Fund, waxa ay qabatay Aqoon-is-weydaarsi ku aaddan sidii uu mashruuca YOU-ACT u noqon lahaa mid saameyn waarta ku yeesha bulshada Jowhar ee uu mashruuca xoogga saarayay. Kulanka oo uu si rasmi ah u daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Axmed Yuusuf ayaa waxaa kasoo qeybgalay hey’adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda iyo Ururada Dhallinyarada. Kulanka oo si qoto dheer looga dooday tallaabooyinka haboon ee xiga ee ku aaddan mashruuca YOU-ACT ayaa waxa ay dhallinyarada sameeyeen soo jeedino waxgal ah.

Wararka

Garsooraha Soomaaliyeed ee heerka Caalami Cumar Cabdulqaadir Cartan oo dib ugu soo laabtay dalka ayaa soo dhaweyn heer qaran ah loogu sameeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Garsooraha Soomaaliyeed ee heerka Caalami Cumar Cabdulqaadir Cartan oo dib ugu soo laabtay dalka ayaa soo dhaweyn heer qaran ah loogu sameeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Soo dhaweynta garsooraha waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin kala duwan ee ka kala socotay hey’adaha dowladda, bulshada rayidka, bahda isboortiga, saxaafadda iyo dadweyne garab istaag u muujiyay garsoore Cumar Cartan. Soo dhaweyn iyo garab istaag balaaran ayaa galabta loogu sameyn doonaa garoonka ciyaaraha ee Muqdisho Stadium, ayadoo lagu wargelinayo dadweynaha inay kasoo qeybgalaan munaasabaddaas weyn.

Wararka

Doorka soo dhaweynta Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan Raiisul Wasaaraha XFSXamze Cabdi Barre.

Doorka soo dhaweynta Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan Raiisul Wasaaraha XFSXamze Cabdi Barre. Cumar Cartan waxa uu dhex-dhexaadiyay ciyaaro caalami ah oo kala duwan, isaga oo muujiyay xirfad, daacadnimo iyo karti sare oo sare u qaaday magaca Soomaaliya. Guulihiisa waxay dhiirrigelin iyo rajo u yihiin ciyaartooyda, garsoorayaasha iyo guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku haminaysa inay gaaraan heerar caalami ah. Wuxuu tusaale muuqda u yahay adkaysiga, dadaalka iyo kartida dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay in qofka Soomaaliyeed uu ka dhex muuqan karo fagaarayaasha caalamka marka uu helo himilo, dadaal iyo kalsooni.

Wararka

SOO DHAWEYNTA QARAN IYO GARAB-ISTAAGGA GARSOORE CUMAR CABDULQAADIR CARTAN

SOO DHAWEYNTA QARAN IYO GARAB-ISTAAGGA GARSOORE CUMAR CABDULQAADIR CARTAN Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, kadib kulan wadajir ah oo ay yeesheen, waxay magacaabeen Guddi Qaran oo qabanqaabiya munaasabadda soo dhaweynta iyo garab-istaagga Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan. Guddigan ayaa ka shaqeyn doona qabanqaabada munaasabadda qaran ee lagu soo dhaweynayo Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, kaas oo berri subax kusoo wajahan magaalada Muqdisho. Garsooraha waxaa si heer qaran ah loogu soo dhaweyn doonaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde). Intaas kadib, munaasabad ballaaran oo lagu muujinayo taageerada iyo garab-istaagga Garsoore Cartan ayaa ka dhici doonta Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium, halkaas oo ay berri galab ku balansan yihiin kooxaha Heegan iyo Dekedaha. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga waxay rajaynaysaa in shacabka Soomaaliyeed ay si mug leh uga soo qaybgalaan munaasabaddan, iyagoo wata calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sawirrada Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, si ay u muujiyaan soo dhaweyn, taageero iyo garab-istaag qaran. Xubnaha Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Munaasabadda Soo Dhaweynta Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa kala ah: 1. Xasan Xaaji Yabarow Wiish โ€“ Guddoomiye 2. Nasrokin Hashi Nure โ€“ Xoghayn 3. Maxamed Xuloow Xuseen โ€“ Xubin 4. Eng. Fahad Cali Xasan โ€“ Xubin 5. Jamaal Xaashi Tuure โ€“ Xubin 6. Cumar Cabdiraxmaan Faaruuq โ€“ Xubin 7. Maxamed Axmed Cantoobo โ€“ Xubin

Scroll to Top