Ciyaaro

Ciyaaro

๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐›๐š๐ง๐ช๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐“๐จ๐๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐—๐จ๐ซ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง ๐ค๐ฎ๐›๐š๐๐๐š ๐œ๐š๐ ๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฑ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ฒ ๐Š๐จ๐จ๐ฑ๐š๐ก๐š ๐‡๐Ž๐‘๐’๐„๐„๐ƒ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐‡๐„๐„๐†๐€๐, taasoo kusoo idlaatay (๐‡๐จ๐ซ๐ฌ๐ž๐ž๐ ๐Ÿ‘-๐Ÿ ๐‡๐ž๐ž๐ ๐š๐ง).

๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐›๐š๐ง๐ช๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐“๐จ๐๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐—๐จ๐ซ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง ๐ค๐ฎ๐›๐š๐๐๐š ๐œ๐š๐ ๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฑ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ฒ ๐Š๐จ๐จ๐ฑ๐š๐ก๐š ๐‡๐Ž๐‘๐’๐„๐„๐ƒ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐‡๐„๐„๐†๐€๐, taasoo kusoo idlaatay (๐‡๐จ๐ซ๐ฌ๐ž๐ž๐ ๐Ÿ‘-๐Ÿ ๐‡๐ž๐ž๐ ๐š๐ง). Ciyaartan ayaa ka mid ahayd barnaamijyada lagu maamuusayo ๐“๐จ๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐—๐จ๐ซ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š, iyadoo ujeeddadeedu ahayd dhiirrigelinta isboortiga iyo xoojinta dareenka waddaniyadda. Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS, ๐Œ๐: ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ช๐š๐๐ข๐ซ ๐‚๐š๐ฅ๐ข oo goob joog ahaa ciyaarta, ayaa hambalyo u diray kooxda Horseed guusha ay gaartay, sidoo kalena ku ammaanay labada kooxood ciyaarta quruxda badan iyo bandhigga hufan ee ay soo bandhigeen. Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa qabanqaabada munaasabadaha kala duwan ee lagu xusayo Toddobaadka Xorriyadda, kuwaas oo isugu jira isboorti, dhaqan iyo wacyigelin, si loo adkeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

Ciyaaro

Horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa maraya meel aad u xiiso badan, iyadoo galabtay la ciyaaray kulan adag oo dhex maray kooxaha MCC iyo Heegan.

Horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa maraya meel aad u xiiso badan, iyadoo galabtay la ciyaaray kulan adag oo dhex maray kooxaha MCC iyo Heegan. Naadiga Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan ayaa 1-0 kaga adkaatay MCC sidaasna ku helay saddex dhibcood oo muhiim ah. Kulankan ayaa waxaa garoonka usoo daawasho tagay masโ€™uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali oo uu weheliyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xildh. Cabdifataax Qaasim. Joogitaanka masโ€™uuliyiintan ayaa muujinaya taageerada dowladda ee horumarinta ciyaaraha iyo dhiirrigelinta horyaalka dalka, xilli tartanka horyaalku sii galayo marxalad adag oo kooxuhu ku loollamayaan dhibcaha muhiimka ah.

Ciyaaro

Ciyaar kubada koleyga ah oo ka dhacday garoonka Wiish Ex-Luujino ayeey kooxda Horseed kaga badisay 46 gool dhiggeeda Heegan oo la timid 35 gool.

Ciyaar kubada koleyga ah oo ka dhacday garoonka Wiish Ex-Luujino ayeey kooxda Horseed kaga badisay 46 gool dhiggeeda Heegan oo la timid 35 gool. Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa qayb ka ahayd toddobaadka loo asteeyay munaasabadda caalamiga ah ee nabadda iyo horumarka isboortiga, taas oo diiradda lagu saarayo doorka weyn ee ciyaaruhu ku leeyihiin nabad-dhisidda iyo horumarka bulshada. Kulanka waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Maxamed Cabduqaadir Cali iyo Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobe kuwaas oo ay wehliyeen bahda ciyaaraha iyo marti sharaf kale. Ka soo qaybgalka masuuliyiintan ayaa xoojinaya muhiimadda ay dowladdu siinayso horumarinta isboortiga iyo kaalinta uu ku leeyahay mideynta bulshada. Toddobaadkan xuska ah oo maantay maalintiisii labaad galay ayaa la filayaa in la qabto ciyaaro kala duwan oo kor u qaadaya ka qaybgalka dhalinyarada, isla markaana dhiirrigelinaya wadajirka iyo isdhexgalka bulshada ayadoo munaasabaddan ay fariin cad u dirayso bulshada, taas oo ah in isboortigu yahay awood lagu gaari karo nabad, horumar iyo mustaqbal ifaya.

Ciyaaro

Xuska Caalamiga ah ee Todobaadka Isboortiga ee Horumarka iyo Nabadda oo hal-ku-dhiggiisu sanadkan ahaa โ€œIsboortigu Waa Isku-xiraha Bulshada iyo Xalliyaha Caqabadaha Isdhexgalkaโ€, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho.

Xuska Caalamiga ah ee Todobaadka Isboortiga ee Horumarka iyo Nabadda oo hal-ku-dhiggiisu sanadkan ahaa โ€œIsboortigu Waa Isku-xiraha Bulshada iyo Xalliyaha Caqabadaha Isdhexgalkaโ€, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho. Munaasabaddan oo ku beegan 6-da Abriil ayaa ah maalinta caalamiga ah ee Isboortiga ee Horumarka iyo Nabadda, taasoo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha u beddeshay toddobaad dhan oo xus iyo wacyigelin ah iyadoo la tixgelinayo doorka muhiimka ah ee isboortigu ku leeyahay nabadda, horumarka iyo mideynta bulshada. Wasaaradda oo kaashanaysa G/Banaadir iyo Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed ayaa hoggaaminaysa munaasabaddan, iyadoo la qorsheeyey in lagu qabto ciyaaro kala duwan sida orod nabadeed, ciyaaro saaxiibtinimo, bandhigyo isboorti, fariimo wacyigelin ah iyo kulamo dhiirigelinaya nabadda, midnimada iyo awoodsiinta dhallinyarada. Intii ay socotay munaasabadda waxaa hadallo dhiirigelin ah ka jeediyay masuuliyiin kala duwan oo uu ugu horeeyay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Cali Maxamed Cali Shiine kaasoo ka hadlay doorka isboortigu ku leeyahay isku xirka bulshada iyo kobcinta xirfadaha dhallinyarada, isagoo xusay in ciyaaruhu yihiin aalad muhiim u ah nabadda. Sidoo kale, Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed, Marwo Sucaad Galoow, ayaa tilmaantay muhiimadda iskaashiga hayโ€™adaha isboortiga iyo sidii loo horumarin lahaa fursadaha dhallinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan dhinaca tartamada caalamiga ah. Dhankiisa ayuu Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali wuxuu si gaar ah u xoojiyay in dhallinyarada si firfircoon uga qayb qaataan isboortiga, maadaama uu yahay dariiq lagu xoojin karo nabadda, midnimada iyo horumarka dalka. Ugu dambeyn Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Xildhibaan Sacdiyo Samatar ayaa tilmaantay muhiimadda ka qaybgalka gabdhaha iyo haweenka ee isboortiga, iyadoo sheegtay in dhiirrigelinta ka qaybgalka haweenku ay tahay tallaabo muhiim u ah caddaaladda iyo sinnaanta bulshada. Waxa ay sidoo kale carrabka ku adkeeysay in isboortigu kor u qaado caafimaadka jirka iyo maskaxda, isla markaana uu dhallinyarada siiyo jihayn wax ku ool ah. Xuskaan oo galabtay lagu daah furay ciyaar kubada cagta oo Gabdho ah , Tartanka Baasakiil-ka gabdhaha iyo wiilasha iyo Ciyaarta Falaar Tuurka ayaa la rajeynayaa in toddobaadkaan uu sii xoojin doono doorka isboortigu ku leeyahay dhismaha bulsho mideysan oo nabad ku wada ah.

Ciyaaro

Hambalyo Xulka Qaranka Soomaaliya oo 75 sano kadib Markii ugu horreysay gaaray wareega labaad ee isreeb-reebka koobka Qaramada Afrika kadib markii ay ka badiyeen xulka wadanka Mauritius.

Hambalyo Xulka Qaranka Soomaaliya oo 75 sano kadib Markii ugu horreysay gaaray wareega labaad ee isreeb-reebka koobka Qaramada Afrika kadib markii ay ka badiyeen xulka wadanka Mauritius. Sanado badan oo ay ku adkayd inay u gudbaan wareega labaad Ocean Stars ayaa taariikh cusub kusoo daray kubadda cagta Soomaaliya maadama aanan xitaa Xulkeena laga dhalin wax gool ah labo kulan oo isku xiga . Ka qeybgalka AFCON 2027 ee lagu qaban doono Uganda,Kenya& Tanzania waxaa ka xiga Xulka Soomaaliya isku aadka wareega labaad oo ay la gali doonaan group 3 ama 4 wadan. Hambalyo Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliyeed

Ciyaaro

Tartan kubadda cagta ah oo lagu xusayo Maalmaha Xoriyadda ayaa lagu qabtay Muqdisho Stadium Tartankaan ayaa loo qabtay si loo xuso taariikhda Asbuuca Xornimada Soomaaliya ayadoo lagu soo bandhigay ciyaar kubada cagta ah oo dhexmartay kooxaha Heegan iyo Horseed,

Tartan kubadda cagta ah oo lagu xusayo Maalmaha Xoriyadda ayaa lagu qabtay Muqdisho Stadium Tartankaan ayaa loo qabtay si loo xuso taariikhda Asbuuca Xornimada Soomaaliya ayadoo lagu soo bandhigay ciyaar kubada cagta ah oo dhexmartay kooxaha Heegan iyo Horseed, Waxaana sidoo kale jirey ciyaaro dhaqameed iyo tartamo kale sida Fardo fuulka oo muujinaya sooyaalka iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo isku darka ciyaaraha casriga ah iyo hiddaha qadiimiga . Garoonka waxaa ku sugnaa Wasiiro Xildhibaano,Saraakiil iyo masuuliyiin kale si ay u muujiyaan qiimaha maalinta Xorriyada iyo muhiimadda isku keenida bulshada . Dhanka kale waxaa garoonka soo camiray ayagoo ku labisan astaamaha Calankeena dadweyne aad u badan ,Kashaafada Qaranka iyo Dhallinyaro ay ku jiraan arday qalin jebiyeyaal ah kuwaasoo lagu casuumay inay ka qeyb galaan xafladda todobaadka xorriyada iyo tartanka . Tartankan wuxuu calaamad u yahay dib u soo kabashada iyo adkeynta midnimada bulshada Soomaaliyeed si gaar ah dhallinyarada iyadoo la adeegsanayo isboorti. Photo by: Abdirahman Ali Ahmed (Shaataa)

Scroll to Top