Ciyaaro

Ciyaaro

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali, ayaa maanta si rasmi ah xarunta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed uga daah-furay tababarkii ugu horreeyay ee loo qabto macallimiinta iyo garsoorayaasha ciyaaraha Xeebaha (Beach Soccer) ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali, ayaa maanta si rasmi ah xarunta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed uga daah-furay tababarkii ugu horreeyay ee loo qabto macallimiinta iyo garsoorayaasha ciyaaraha Xeebaha (Beach Soccer) ee Soomaaliya. Siminaarkan oo socon doona muddo dhowr maalmood ah, ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa tayeynta iyo xirfadaynta tababarayaasha iyo garsoorayaasha Soomaaliyeed ee ciyaaraha xeebaha, iyadoo lagu casuumay khuburo sar-sare oo socday dalka Uganda. Furitaanka tababarka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan bahda isboortiga dalka, oo ay ka mid yihiin: Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine),Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xiriirka, Mudane Cabdirashiid Cabdulle Maxamed ,Madaxa Xiriirka Ciyaaraha Xeebaha, Mudane Abshir Cabdi Abshir, Madaxa Garsoorayaasha Soomaaliyeed, Xasan Yabarow Wiish ,Agaasimaha Isboortiga Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha , Mudane Saadaq Axmed Cabdulle iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga fulinta xiriirka K/cagta. Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa ku tilmaamay tababarkan mid muhiim u ah horumarinta ciyaaraha dalka, gaar ahaan ciyaaraha xeebaha oo ah fursad weyn oo dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku horumari karaan xirfadooda ciyaareed maadama aan leenaha Xeebo badan oo ku haboon Soccer Beach-ka. “Waa markii ugu horreysay ee noocan oo kale ah tababar lagu qabto gudaha dalka. Waa bilow muhiim ah oo aan ku dhiseyno saldhig adag oo aan ku gaari karno tartamo heer qaran iyo heer caalami ah,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabduqaadir. Sidoo kale, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Mudane Cali Shiine ayaa sheegay in tababarkan uu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo qeyb ka ah dadaallada xiriirka ee ku aaddan ballaarinta ciyaaraha dalka, gaar ahaan kobcinta iyo horumarinta ciyaaraha xeebaha ee aan horey si rasmi ah loogu qaban gudaha Soomaaliya. Siminaarkan ayaa noqonaya mid horseeda abaabulka tartankii ugu horreeyay ee rasmi ah ee kubadda cagta xeebaha ee Soomaaliya lagu qabanayo, iyadoo la rajeynayo in uu xoojiyo ka qeybgalka tartamada caalamiga ah ee Beach Soccerka. Photo by: Abdirahman Ali Ahmed (Shaataa)

Ciyaaro

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xildhibaan Dahabo Susow Maxamuud, ayaa ka qayb gashay munaasabad lagu furayay garoomo cusub oo laga hirgeliyay xarunta SOS ee degmada Heliwaa. Goobtaan ayaa loogu talagalay in lagu qabto ciyaaraha kala duwan sida kubbadda kolayga (Basketball), kubbadda laliska (Volleyball), Tennis-ka iyo Gym-ka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xildhibaan Dahabo Susow Maxamuud, ayaa ka qayb gashay munaasabad lagu furayay garoomo cusub oo laga hirgeliyay xarunta SOS ee degmada Heliwaa. Goobtaan ayaa loogu talagalay in lagu qabto ciyaaraha kala duwan sida kubbadda kolayga (Basketball), kubbadda laliska (Volleyball), Tennis-ka iyo Gym-ka. Munaasabadda furitaanka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha SOS Village Children, Mudane Cabduqadir Dhaqane, oo si diirran u soo dhaweeyay wasiir ku xigeenka iyo marti sharaf kale oo ay ka mid ahaayeen qaar ka mid ah Gudoomiyayaasha Xiriirrada. Kulanka furitaanka waxaa bilow u noqday ciyaar dhexmartay laba koox oo ka tirsan kooxaha kubbadda kolayga ee dalka, taasoo qayb ka ahayd muujinta howlgalka garoonka cusub. Xaruntan ayaa noqon doonta meel carruurta iyo dhallinyarada daryeelka SOS ay ka heli doonaan madadaalo, horumar iyo is dhexgal bulsho, iyadoo la filayo inay door weyn ka ciyaarto horumarinta ciyaaraha iyo fayo-qabka dhallinyarada. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ayaa ballan qaaday taageerada joogtada ah ee dowladda, iyadoo sheegtay in la bixin doono barnaamijyo tababar, qalab ciyaareed, iyo fursado horumarineed oo loogu talagalay dhallinyarada Soomaaliyeed. Tani waa tallaabo muhiim ah oo lagu maalgelinayo mustaqbalka Isboortiga, laguna kobcinayo ciyaartooyda hibadooda, isla markaana lagu xoojinayo nabadda iyo is-dhexgalka bulshada iyada oo loo marayo ciyaaraha.

Ciyaaro

kulankii kubadda cagta kooxaha Somali Legends iyo African Legends ee lagu soo dhaweynayay xiddigaha Afrika, sida Samuel Eto’o, Jay-Jay Okocha, iyo Emmanuel Adebayor ayaa kusoo dhamaatay 8-4 oo ay guushu ku raacday kooxda African Legends.

Ciyaarta waxaa daah fuday raiisul wasaaraha XFS Md. Xamse Cabdi Barre.Sidoo kale waxaa ciyaarta goobjoog ka ahaa gudoomiyaha xiriirka CECAFA , Gudoomiyaha Xiriirka Djibouti iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Dowlada .Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Cabdiqaadir Cali, ayaa dhaliyay goolka koowaad ee ciyaarta asagoona soo bandhigay xirfadiisa kubadeed .Ciyaartan ayaa ahayd fursad lagu xoojinayo xiriirka isboorti ee u dhexeeya Isboortiga Soomaaliya iyo kan Afrika, iyadoo sidoo kale lagu dhiirrigelinayo dhalinyarada Soomaaliyeed si ay uga qaybqaataan horumarinta ciyaaraha.

Scroll to Top