Horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa maraya meel aad u xiiso badan, iyadoo galabtay la ciyaaray kulan adag oo dhex maray kooxaha MCC iyo Heegan.
Naadiga Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan ayaa 1-0 kaga adkaatay MCC sidaasna ku helay saddex dhibcood oo muhiim ah.
Kulankan ayaa waxaa garoonka usoo daawasho tagay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali oo uu weheliyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xildh. Cabdifataax Qaasim.
Joogitaanka mas’uuliyiintan ayaa muujinaya taageerada dowladda ee horumarinta ciyaaraha iyo dhiirrigelinta horyaalka dalka, xilli tartanka horyaalku sii galayo marxalad adag oo kooxuhu ku loollamayaan dhibcaha muhiimka ah.
Scroll to Top