Xuska Caalamiga ah ee Todobaadka Isboortiga ee Horumarka iyo Nabadda oo hal-ku-dhiggiisu sanadkan ahaa “Isboortigu Waa Isku-xiraha Bulshada iyo Xalliyaha Caqabadaha Isdhexgalka”, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan oo ku beegan 6-da Abriil ayaa ah maalinta caalamiga ah ee Isboortiga ee Horumarka iyo Nabadda, taasoo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha u beddeshay toddobaad dhan oo xus iyo wacyigelin ah iyadoo la tixgelinayo doorka muhiimka ah ee isboortigu ku leeyahay nabadda, horumarka iyo mideynta bulshada.
Wasaaradda oo kaashanaysa G/Banaadir iyo Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed ayaa hoggaaminaysa munaasabaddan, iyadoo la qorsheeyey in lagu qabto ciyaaro kala duwan sida orod nabadeed, ciyaaro saaxiibtinimo, bandhigyo isboorti, fariimo wacyigelin ah iyo kulamo dhiirigelinaya nabadda, midnimada iyo awoodsiinta dhallinyarada.
Intii ay socotay munaasabadda waxaa hadallo dhiirigelin ah ka jeediyay masuuliyiin kala duwan oo uu ugu horeeyay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Cali Maxamed Cali Shiine kaasoo ka hadlay doorka isboortigu ku leeyahay isku xirka bulshada iyo kobcinta xirfadaha dhallinyarada, isagoo xusay in ciyaaruhu yihiin aalad muhiim u ah nabadda.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed, Marwo Sucaad Galoow, ayaa tilmaantay muhiimadda iskaashiga hay’adaha isboortiga iyo sidii loo horumarin lahaa fursadaha dhallinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan dhinaca tartamada caalamiga ah.
Dhankiisa ayuu Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali wuxuu si gaar ah u xoojiyay in dhallinyarada si firfircoon uga qayb qaataan isboortiga, maadaama uu yahay dariiq lagu xoojin karo nabadda, midnimada iyo horumarka dalka.
Ugu dambeyn Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Xildhibaan Sacdiyo Samatar ayaa tilmaantay muhiimadda ka qaybgalka gabdhaha iyo haweenka ee isboortiga, iyadoo sheegtay in dhiirrigelinta ka qaybgalka haweenku ay tahay tallaabo muhiim u ah caddaaladda iyo sinnaanta bulshada. Waxa ay sidoo kale carrabka ku adkeeysay in isboortigu kor u qaado caafimaadka jirka iyo maskaxda, isla markaana uu dhallinyarada siiyo jihayn wax ku ool ah.
Xuskaan oo galabtay lagu daah furay ciyaar kubada cagta oo Gabdho ah , Tartanka Baasakiil-ka gabdhaha iyo wiilasha iyo Ciyaarta Falaar Tuurka ayaa la rajeynayaa in toddobaadkaan uu sii xoojin doono doorka isboortigu ku leeyahay dhismaha bulsho mideysan oo nabad ku wada ah.











