Wararka

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS, 𝐌𝐝. 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐪𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐥𝐢 ayaa xarunta Wasaaradda kusoo dhoweeyay Wakiilka cusub ee Hay’adda UNDP u fadhiya Soomaaliya, 𝐌𝐝. 𝐂𝐡𝐫𝐢𝐬𝐭𝐨𝐩𝐡𝐨𝐫𝐨𝐬 𝐏𝐨𝐥𝐢𝐭𝐢𝐬.

​Kulankan oo ahaa mid is-barasho iyo xiriir xoojin ah, ayaa diiradda lagu saaray qodobada ugu muhiimsan ee horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed: -​Balaarinta Barnaamijyada Muhiimka ah: Dhameystirka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada, Nabadda & Amniga. -​Xirfad U Sameynta Dhallinyarada: Barnaamijyo shaqo-abuur iyo kobcin xirfadeed loogu tusaaleynayo dhallinyarada. -​Dugsiga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda: Xoojinta mashruuca wadajirka ah ee lagu dhisayo hab-fikirka nabadaha iyo dimoqraadiyadda. ​Md. Christophoros Politis ayaa u mahadceliyay hoggaanka Wasaaradda, isagoo adkeeyay in UNDP ay ka go’an tahay fulinta dhammaan heshiisyada iyo qorsheyaasha awoodsiinta dhallinyarada

Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS oo ay weheliyaan qaar kamid ah mas’uuliyiinta Wasaaradda, ayaa maanta xarunta Guddiga Olombikada Soomaaliyeed kula kulmay xiriirrada kala duwan ee ciyaaraha dalka.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd dhaqan-gelinta Siyaasadda Horumarinta Isboortiga, oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada JFS. Siyaasaddan ayaa muhiim u ah horumarinta iyo jihaynta Isboortiga Soomaaliyeed, kaas oo muddo 35-kii sano ee la soo dhaafay soo maray duruufo iyo caqabado kala duwan. Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, xiriirrada kala duwan ee ciyaaraha, naadiyada, ururrada iyo haldoorka ciyaartooyda Soomaaliyeed waxay laf-dhabar u noqdeen sii jiritaanka Isboortiga dalka. Iyadoo ay jireen xaalado adag iyo burbur, waxay door muhiim ah ka qaateen tababarka, dhiirrigelinta iyo kobcinta dhallinyarada Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, iyagoo xaqiijiyey in uusan damin iftiinka Isboortiga Soomaaliyeed. Kulanka maanta waxaa si wadajir ah looga tashaday hirgelinta tiirarka iyo ujeeddooyinka Siyaasadda Horumarinta Isboortiga, si loo gaaro himilooyinka fog ee Isboortiga dalka. Sidoo kale, waxaa la isla meel dhigay hawlaha mudnaanta u leh fulinta siyaasadda, oo ay ka mid yihiin diyaarinta Qorsha Hawleedka Isboortiga ee 2026-2030, iyo diyaarinta Sharciga Qaran ee Isboortiga. Tallaabooyinkan ayaa muhiim u ah dhismaha nidaam Isboorti oo casri ah, waara, isla markaana fursado wanaagsan u abuura dhallinyarada iyo ciyaartooyda Soomaaliyeed.

Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaarahaa XFS ayaa kulan la qaatay gudoonka sarre iyo xubnaha golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa lagu lafa guray diyaarinta Istaraatiijiyadda iyo xeerarka dhismaha gollaha dhallinyarada Qaranka maadama gudoomiye cusub ay yeesheen dhawaan ,waxaana diiradda la saaray sameenta iyo diyaarinta xeerarka sanduuqa dhaqaalaha Dhallinyarada, ayadoo laga talaaba qaadayo xaaladda Dhallinyarada dalka iyo hormarinta golaha Dhallinyarada Qaranka, si loo helo istaraatiijiyad hagta Dhallinyarada Soomaaliyeed. Kulanka waxaa ka qayb galay, Agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaradda, agaasimaha waaxda horumarinta Dhallinyarada, Gudoomiyaha iyo xubnaha kala duwan ee Golaha. Ugu dambayn,agaasimaha ayaa bogaadiyay howlaha dhallinyarada qaranka u taagan yihiin isagoona balan qaaday sare uqaadida golaha iyo kaalinta uu bulshada kaga jiri sidii loo xoojin lahaa.

Wararka

Munaasabadda daahfurka Sharciga Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo uu ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda daahfurka Sharciga Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo uu ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa Wasiirku ka hadlay muhiimadda ay leedahay in dalka uu yeesho sharci u gaar ah da’yarta, kaas oo ay Wasaaraddu iyo carruurta Soomaaliyeed baahi weyn u qabaan. “Waxaa soo noqnoqda kiisaska lagu waxyeelleeyo carruurta iyo da’yarta Soomaaliyeed. Dhanka kale, waxaa qaati laga taagan yahay mararka qaar da’yar u soo baxa inay fowdo ka abuuraan goobaha la isugu yimaado, sida garoomada iyo waddooyinka, iyagoo wata agabyo khatar ku ah naftooda iyo dadka kaleba. Taasi waxay kuu muujinaysaa inay ka luntay abaabintii iyo hagitaankii saxda ahaa, in la helo sharci ilaalinaya da’yarta, isla markaana dadka ay dhibaataynayaan ka ilaalinaya, waa arrin aad u wanaagsan,” ayuu yiri Wasiirku. Shirkan lagu daahfuray Sharciga Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo Wasiirku marti ku ahaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay wasiirro uu hoggaaminayay Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallin iyo sidoo kale bahda caddaaladda, hay’adaha xuquuqul insaanka, Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. “Soo saarista sharcigan waa tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa dowladnimada, sareynta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda da’yarta Soomaaliyeed,” ayuu intaas ku daray Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali.

Wararka

Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada ayaa si weyn loogu xusay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddaan oo ay soo abaabushay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiiro, Madax ka socotay Hey’adaha Caalamka, Ururada Dhallinyarada, Bahda Waxbarashada iyo Dhallinyarada baahiyaha gaarka ah qaba. Dood-cilmiyeed ku aaaddan hal-ku-dhigga sanadkaan oo ah “Xaalado Kala Duwan, Himilooyin Wadaag ah” ayaa waxaa yeeshay dhallinyaro kala mataleysay hey’adaha caalamka, dowladda iyo ururada dhallinyarada. Munaasabadda waxaa qeyb ka ahaa tijaabi nasiibkaaga uu ku xusnaa Safar Aqoon kororsi iyo taariikhda Xadaradeed ah kaas oo qaar ka mid ah dhallinyarada kasoo qeybgashay ay ku nasiib u heleen ayagoo kala matalayay Ururada Dhallinyarada,Jaamacadaha,Naafada iyo qaybaha kale ee Dhallinyarada. Wasiirada iyo madaxda kasoo qeybgashay munaasabadda ayaa khudbado ay jeediyeen Hambalyo ugu diray Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaga oo ku bogaadiyay kaalinta miisanka leh oo ay ka qaataan dib u dhiska dalka. Wasiirka Wasaaradda oo munaasabadda soo gunaanaday ayaa tilmaamay in Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS ay ka go’antahay awood-siinta dhallinyarada oo ay Wasaaradda u aragto waajib muhiim ah.

Wararka

WAKIILKA CUSUB EE UNFPA SOMALIA OO BOOQASHO RASMI AH KU YIMID WASAARADDA DHALLINYARADA IYO ISBOORTIGA XFS.

WAKIILKA CUSUB EE UNFPA SOMALIA OO BOOQASHO RASMI AH KU YIMID WASAARADDA DHALLINYARADA IYO ISBOORTIGA XFS. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (XFS), oo sii xoojinaysa wada-shaqeynta dhow ee ay la leedahay hay’adaha caalamiga ah, ayaa maanta xarunteeda ku qaabishay wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka cusub ee UNFPA Soomaaliya, Mudane Judicaël ELIDJE. Kulanka oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS, isla markaana ay goob joog ka ahaayeen qaar kamid ah howlwadeennada Wasaaradda, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan barnaamijyada la xiriira horumarinta dhallinyarada, kobcinta ka-qaybgalka bulshada, iyo taageeridda isboortiga gabdhaha. Wasiirka ayaa si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Wakiilka cusub ee UNFPA Soomaaliya, isagoo ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay isla markaana muujiyay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay sii wadista wada-shaqeynta miro-dhalka ah ee kala dhaxeysa hay’adda UNFPA. Dhankiisa, Wakiilka cusub ee UNFPA Soomaaliya, Mudane Judicaël ELIDJE, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka iyo masuuliyiinta Wasaaradda soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, isagoo adkeeyay sida ay UNFPA uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga ay la leedahay Wasaaradda. Sidoo kale, Ku-xigeenka Wakiilka UNFPA Soomaaliya, Mudane Francis Nyasi, oo kulanka goob-joog ka ahaa, ayaa warbixin ka bixiyay halka ay marayaan qorsheyaasha iyo barnaamijyada UNFPA ee la xiriira horumarinta dhallinyarada iyo taageeridda isboortiga gabdhaha ee Soomaaliya. Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS iyo hay’adaha caalamiga ah, si loo horumariyo fursadaha iyo adeegyada loo fidinayo dhallinyarada Soomaaliyeed

Scroll to Top