Wararka

Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa Furay Aqoon-is-weydaarsiga dhameystirka mashruuca YOU-ACT oo ay soo agaasintay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Aqoon-is-weydaarsiga dhameystirka mashruuca YOU-ACT oo ay soo agaasintay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Ayadoo laga duulaayo muhiimadda ay leedahay in mashaariicda la fulinaayo ay noqdaan kuwa waara, sidoo kalena saameyn dheer ku yeesha bulshada, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS oo kaashaneysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle iyo hey’adaha FAO, IOM iyo UN Peacebuilding Fund, waxa ay qabatay Aqoon-is-weydaarsi ku aaddan sidii uu mashruuca YOU-ACT u noqon lahaa mid saameyn waarta ku yeesha bulshada Jowhar ee uu mashruuca xoogga saarayay. Kulanka oo uu si rasmi ah u daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Axmed Yuusuf ayaa waxaa kasoo qeybgalay hey’adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda iyo Ururada Dhallinyarada. Kulanka oo si qoto dheer looga dooday tallaabooyinka haboon ee xiga ee ku aaddan mashruuca YOU-ACT ayaa waxa ay dhallinyarada sameeyeen soo jeedino waxgal ah.

Wararka

Garsooraha Soomaaliyeed ee heerka Caalami Cumar Cabdulqaadir Cartan oo dib ugu soo laabtay dalka ayaa soo dhaweyn heer qaran ah loogu sameeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Garsooraha Soomaaliyeed ee heerka Caalami Cumar Cabdulqaadir Cartan oo dib ugu soo laabtay dalka ayaa soo dhaweyn heer qaran ah loogu sameeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Soo dhaweynta garsooraha waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin kala duwan ee ka kala socotay hey’adaha dowladda, bulshada rayidka, bahda isboortiga, saxaafadda iyo dadweyne garab istaag u muujiyay garsoore Cumar Cartan. Soo dhaweyn iyo garab istaag balaaran ayaa galabta loogu sameyn doonaa garoonka ciyaaraha ee Muqdisho Stadium, ayadoo lagu wargelinayo dadweynaha inay kasoo qeybgalaan munaasabaddaas weyn.

Wararka

Doorka soo dhaweynta Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan Raiisul Wasaaraha XFSXamze Cabdi Barre.

Doorka soo dhaweynta Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan Raiisul Wasaaraha XFSXamze Cabdi Barre. Cumar Cartan waxa uu dhex-dhexaadiyay ciyaaro caalami ah oo kala duwan, isaga oo muujiyay xirfad, daacadnimo iyo karti sare oo sare u qaaday magaca Soomaaliya. Guulihiisa waxay dhiirrigelin iyo rajo u yihiin ciyaartooyda, garsoorayaasha iyo guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku haminaysa inay gaaraan heerar caalami ah. Wuxuu tusaale muuqda u yahay adkaysiga, dadaalka iyo kartida dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay in qofka Soomaaliyeed uu ka dhex muuqan karo fagaarayaasha caalamka marka uu helo himilo, dadaal iyo kalsooni.

Wararka

SOO DHAWEYNTA QARAN IYO GARAB-ISTAAGGA GARSOORE CUMAR CABDULQAADIR CARTAN

SOO DHAWEYNTA QARAN IYO GARAB-ISTAAGGA GARSOORE CUMAR CABDULQAADIR CARTAN Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, kadib kulan wadajir ah oo ay yeesheen, waxay magacaabeen Guddi Qaran oo qabanqaabiya munaasabadda soo dhaweynta iyo garab-istaagga Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan. Guddigan ayaa ka shaqeyn doona qabanqaabada munaasabadda qaran ee lagu soo dhaweynayo Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, kaas oo berri subax kusoo wajahan magaalada Muqdisho. Garsooraha waxaa si heer qaran ah loogu soo dhaweyn doonaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde). Intaas kadib, munaasabad ballaaran oo lagu muujinayo taageerada iyo garab-istaagga Garsoore Cartan ayaa ka dhici doonta Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium, halkaas oo ay berri galab ku balansan yihiin kooxaha Heegan iyo Dekedaha. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga waxay rajaynaysaa in shacabka Soomaaliyeed ay si mug leh uga soo qaybgalaan munaasabaddan, iyagoo wata calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sawirrada Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, si ay u muujiyaan soo dhaweyn, taageero iyo garab-istaag qaran. Xubnaha Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Munaasabadda Soo Dhaweynta Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa kala ah: 1. Xasan Xaaji Yabarow Wiish – Guddoomiye 2. Nasrokin Hashi Nure – Xoghayn 3. Maxamed Xuloow Xuseen – Xubin 4. Eng. Fahad Cali Xasan – Xubin 5. Jamaal Xaashi Tuure – Xubin 6. Cumar Cabdiraxmaan Faaruuq – Xubin 7. Maxamed Axmed Cantoobo – Xubin

Wararka

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS iyo Hey’adda Qaramada Midoobay ee Barnaamijyada Horumarka UNDP ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis wada-shaqeyn.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS iyo Hey’adda Qaramada Midoobay ee Barnaamijyada Horumarka UNDP ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis wada-shaqeyn. Heshiiskaan oo ah mid ay labada dhinac kaga wada-shaqeyn doonaan barnaamijyada dhallinyarada, nabadda iyo amniga, horumarinta xirfadaha dhallinyarada, sare u qaadista doorka dhallinyarada ee la dagaalanka isbeddelka cimilada iyo shaqo abuurka dhallinyarada ayaa waxa uu socon doonaa muddo shan sano ah. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS waxaa saxiixa heshiiska ku metelaayay Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali halka dhinaca UNDP uu saxiixa heshiiska ku metelaayay Mr. Lionel Laurens oo ah madaxa UNDP Somalia, ayadoo saxiixa heshiiska uu goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo masuuliyiin labada dhinac kala meteleysay. Saxiixa kadib, Wasiirka Wasaaradda ayaa sagootin u sameeyay Mr. Lionel Laurens oo dhawaan Soomaaliya ka bedelan doona. Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda ayaa wefdiga UNDP soo tusay qeybaha ay ka koobantahay xarunta cusub ee Wasaaradda

Wararka

Wasiirka ayaa Xarunta Wasaaradda Ku Qaabilay Wafdi Heer Caalami ah oo uu Hoggaaminayo Dr. Haani C/raxmaan.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa si sharaf iyo maamuus leh ugu soo dhaweeyey xarunta Wasaaradda wafdi heer caalami ah oo uu hoggaaminayay Dr. Haani C/raxmaan, oo ah Madaxa ugu sarreeya Jimciyada Kashaafada Carbeed, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka. Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay horumarinta iyo dib u habeynta Kashaafada Soomaaliyeed. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Kashaafada Soomaaliyeed ay u heli lahayd taageero heer caalami ah, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, dhisidda awoodda hoggaamineed, iyo horumarinta nidaamka shaqo si ay ula jaanqaaddo Kashaafada dalalka Carabta. Waxaa kulanka goob-joog ka ahaa Mas’uul kasocday Kashaafada Dalka Jabuuti, Guddoomiyaha Ururka Kashaafada Soomaaliyeed Mudane Xasan Cali Axmed iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta Wasaaradda. Booqashadan ayaa la filayaa inay xoojiso iskaashiga iyo taageerada caalamiga ah ee lagu horumarinayo Kashaafada Soomaaliyeed, islamarkaana ay horseed u noqoto dib-u-dhis iyo tayeyn joogto ah oo lagu sameeyo ururka. Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay wafdiga booqashadooda qiimaha leh iyo dadaalkooda ku aaddan taageerada iyo garab istaagga Kashaafada Soomaaliyeed.

Scroll to Top