Author name: Mohamed Abdi Ali Siyad

Wararka

Wasiirka ayaa Xarunta Wasaaradda Ku Qaabilay Wafdi Heer Caalami ah oo uu Hoggaaminayo Dr. Haani C/raxmaan.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa si sharaf iyo maamuus leh ugu soo dhaweeyey xarunta Wasaaradda wafdi heer caalami ah oo uu hoggaaminayay Dr. Haani C/raxmaan, oo ah Madaxa ugu sarreeya Jimciyada Kashaafada Carbeed, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka. Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay horumarinta iyo dib u habeynta Kashaafada Soomaaliyeed. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Kashaafada Soomaaliyeed ay u heli lahayd taageero heer caalami ah, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, dhisidda awoodda hoggaamineed, iyo horumarinta nidaamka shaqo si ay ula jaanqaaddo Kashaafada dalalka Carabta. Waxaa kulanka goob-joog ka ahaa Mas’uul kasocday Kashaafada Dalka Jabuuti, Guddoomiyaha Ururka Kashaafada Soomaaliyeed Mudane Xasan Cali Axmed iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta Wasaaradda. Booqashadan ayaa la filayaa inay xoojiso iskaashiga iyo taageerada caalamiga ah ee lagu horumarinayo Kashaafada Soomaaliyeed, islamarkaana ay horseed u noqoto dib-u-dhis iyo tayeyn joogto ah oo lagu sameeyo ururka. Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay wafdiga booqashadooda qiimaha leh iyo dadaalkooda ku aaddan taageerada iyo garab istaagga Kashaafada Soomaaliyeed.

Wararka

Xil Wareejinta Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Axmed Xasan Yuusuf ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, kaddib munaasabad xil-wareejin ah oo ka dhacday xarunta Wasaaradda. Xilka ayuu kala wareegay ku-simihii Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Waaxda Horumarinta Ciyaaraha Mudane Saadaq Axmed kaas oo muddadii uu xilka hayay si ku-meel-gaar ah u gutay waajibaadkiisa shaqo. Munaasabadda xil-wareejinta waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Dahabo Suusow Maxamuud iyo howladeenada wasaaradda kuwaas oo si diirran usoo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee cusub waxaana laga wada hadlay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn, hufnaan iyo dardargelinta howlaha Wasaaradda. Mas’uuliyiinta ayaa adkeeyay baahida loo qabo horumarinta adeegyada dhallinyarada iyo kobcinta ciyaaraha dalka, iyagoo u rajeeyay Agaasimaha Guud ee cusub guul iyo Alle-fudayd gudashada mas’uuliyadda culus ee loo igmaday. Dhankiisa, Mudane Axmed Xasan Yuusuf ayaa uga mahadceliyay madaxda Wasaaradda kalsoonida ay siiyeen, wuxuuna ballanqaaday inuu xoogga saari doono horumarinta howlaha Wasaaradda iyo hirgelinta siyaasadaha lagu taageerayo dhallinyarada iyo ciyaaraha.

Wararka

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa xustay Maalinta Caalamiga ah ee Muhaajiriinta, ayadoo munaasabad diiradda lagu saaray wacyigelin muhiim ah oo ku wajahan dhalinyarada Soomaaliyeed, lagana digayay khatarta weyn ee ka dhalata tahriibka badaha iyo saxaraha oo halis gelinaya noloshooda.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa xustay Maalinta Caalamiga ah ee Muhaajiriinta, ayadoo munaasabad diiradda lagu saaray wacyigelin muhiim ah oo ku wajahan dhalinyarada Soomaaliyeed, lagana digayay khatarta weyn ee ka dhalata tahriibka badaha iyo saxaraha oo halis gelinaya noloshooda. Agaasimaha Waaxda Dhalinyarada ee Wasaaradda, Ayaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqday inay dalkooda ku kalsoonaadaan, isla markaana ay door muuqda ka qaataan dhismaha mustaqbalkooda iyo horumarinta qaranka. Waxay xustay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay leeyihiin awood, karti iyo maskax ay ku dhisan karaan mustaqbal wanaagsan, ayna abuuri karaan xirfado ay ku shaqeystaan halkii ay halis ugu geli lahaayeen tahriib iyo u haajirid dalal kale. Intii uu kulanku socday, waxaa halkaas ka hadlay culimo, khubaro iyo sidoo kale dhalinyaro hore u tahriibtay balse dib ugu soo laabtay dalka kuwaas oo ka quustay fikirkaas khatarta badan. Dhamaantoodna waxay si qoto dheer uga warbixiyeen dhibaatooyinka faraha badan ee ka dhasha tahriibka, iyagoo si gaar ah u iftiimiyay aragtida diinta Islaamka ee ka digaysa in qofku naftiisa halis geliyo oo tahriibku yahay fal khatar ah oo aan waafaqsanayn diinta, sharciga iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Sidoo kale munaasabadda waxaa laga soo jeediyay hadallo dhiirrigelin iyo dardaaran isugu jira kuwaas oo muujinayay muhiimadda ay leedahay in dhalinyaradu doortaan waddo sax ah oo u horseedda nolol, shaqo iyo mustaqbal waara, halkii ay naftooda khatar ugu gelin lahaayeen safarro halis ah. Ugu dambeyn, Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Casharo ayaa soo xiray munaasabadda, isagoo dhalinyarada ku booriyay inay abuuraan fursado shaqo, ka faa’iideystaan awoodooda iyo xirfadahooda oo ay ka fogaadaan tahriibka iyo halistiisa.

Wararka

Daahfurka Qaran ee Dugsiga Nabadda iyo Dimuqraadiyada Soomaaliya (SPD Somalia) oo Maanta ka Dhacay Muqdisho.

Daahfurka Qaran ee Dugsiga Nabadda iyo Dimuqraadiyada Soomaaliya (SPD Somalia) oo Maanta ka Dhacay Muqdisho. Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah loogu daahfuray Dugsiga Nabadda iyo Dimuqraadiyada Soomaaliya (SPD Somalia) oo munaasabada oo uu hogaaminaayay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Senatoro , Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo sare. Daahfurka dugsigan waxaa ka horreeyay dood-wadaagyo bishii hore ka dhacay qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada dalka, kuwaas oo diiradda lagu saaray doorka dhallinyarada ee dimuqraadiyadda iyo amniga. Doodahaas ayaa lagu isla gartay baahida loo qabo in la helo Iskuul si gaar ah u qaabilsan Nabadda iyo Dimuqraadiyadda, si loo xoojiyo wacyiga iyo ka qeybgalka dhallinyarada. Hirgelinta mashruucan waxaa fulisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyadoo kaashaneysa Hay’adda Qaramada Midoobay ee Horumarinta (UNDP) iyo KOICA, taasoo horseeday in maanta si rasmi ah loo daahfuro dugsigan muhiimka ah. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda uu dugsigani u leeyahay xoojinta amniga iyo dimuqraadiyadda dalka isagoo xusay in Soomaaliya ay si weyn ugu baahan tahay labadaas tiir si loo helo mustaqbal xasilloon. Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa sheegay in hirgelinta Dugsiga Nabadda iyo Dimuqraadiyada ay gacan ka geysan doonto dhismaha Soomaaliya cagaaran oo nabad ku dhisan isla markaana kobcin doonta wacyiga bulshada. Masuuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen Senator Cusmaan Dubbe, Wasiir Al-Cadaala, Wasiir Nuura Mustaf iyo Xildhibaan Cabdifataax Qaasim ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay daahfurka dugsigan iyagoo bogaadiyay doorka uu ka qaadan doono horumarinta dhallinyarada. Ugu dambeyn waxaa munaasabadda soo xiray Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali oo ka warbixiyay sida ay wasaaraddu ugu hawlan tahay hirgelinta mashaariic wax ku ool ah oo dan u ah dhallinyarada iyo dalka guud ahaan gaar ahaan kuwa la xiriira nabadda, dimuqraadiyadda iyo hoggaaminta mustaqbalka. Wuxuuna xusay in dugsigan ay ka faa’iidi doonaan inta badan dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wararka

Agaasimaha Waaxda Dhalinyarada oo Soo Xirtay Tababar Ku Saabsan Hoggaaminta, Maamul-Wanaagga iyo Xallinta Khilaafaadka

Xiritaanka Tababar 10 Maalmood Socday oo Ku Saabsanaa Hogaaminta iyo Maamul Wanaagga Agaasimaha Waaxda Dhalinyarada ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Ayan Mohamed Abdullahi ayaa soo xirtay tababar muddo 10 maalmood ah socday oo si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Netherland’s Institute for Multiparty Democracy (NIMD). Tababarkan oo ahaa mid dhameystiran ayaa diiradda lagu saaray: Hogaaminta, Maamul wanaagga iyo Xalinta khilaafaadka Waxaana ka faa’iideystay ka qaybgalayaal ka kala socday Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Golaha Dhalinyarada Qaranka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Ururada bulshada rayidka ah Ka qaybgalayaasha ayaa tilmaamay inay tababarka ka barteen aqoon iyo xirfado muhiim u ah hogaaminta casriga ah iyo habka loo maareeyo khilaafaadka si waxtar leh. Tababarkan ayaa ahaa dufcaddii ugu horreysay, kuna saabsan silsilad tababaro kale oo qorshahoodu horey u jiray kuwaas oo ay si wadajir ah u qaban doonaan Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo NIMD.

Wararka

Wafdiga ka socda Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo uu hoggaaminayay Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa booqasho shaqo oo rasmi ah ku tegay magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.

Wafdiga ka socda Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo uu hoggaaminayay Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa booqasho shaqo oo rasmi ah ku tegay magaalada Baku ee dalka Azerbaijan. Wasiirka ayaa kulan la qaatay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Azerbaijan Mudane Farid Gayibov kulankaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iyo ballaarinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada Horumarinta siyaasadaha dhallinyarada,Iskaashiga dhinacyada dhaqanka & isdhexgalka dhallinyarada, Tababarrada , horumarinta ciyaartooyda iyo Kobcinta mashaariicda dhallinyarada ee labada dal. Labada wasiir ayaa isla qaatay in la xoojiyo xiriirka labada wasaaradood iyaga oo hormarin doona Bilateral Agreement ,Si uu u noqdo mid wax-ku-ool ah oo daboolaya baahiyaha dhallinyarada iyo ciyaaraha. Intii uu kulanku socday labada wasiir waxay si qoto dheer uga wada hadleen sidii loo bilaabi lahaa MoU kaas oo noqon doona heshiis rasmi ah oo hagaya habka iskaashi ee labada wasaaradood. Booqashadan Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha waxay calaamad muhiim ah u tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Azerbaijan, iyada oo la filayo in heshiiska MoU-ga ee la gaari doono uu noqdo mid horseeda horumar muuqda oo dhinacyada dhallinyarada iyo ciyaaraha.

Scroll to Top