Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa si sharaf iyo maamuus leh ugu soo dhaweeyey xarunta Wasaaradda wafdi heer caalami ah oo uu hoggaaminayay Dr. Haani C/raxmaan, oo ah Madaxa ugu sarreeya Jimciyada Kashaafada Carbeed, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka. Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay horumarinta iyo dib u habeynta Kashaafada Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Kashaafada Soomaaliyeed ay u heli lahayd taageero heer caalami ah, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, dhisidda awoodda hoggaamineed, iyo horumarinta nidaamka shaqo si ay ula jaanqaaddo Kashaafada dalalka Carabta.
Waxaa kulanka goob-joog ka ahaa Mas’uul kasocday Kashaafada Dalka Jabuuti, Guddoomiyaha Ururka Kashaafada Soomaaliyeed Mudane Xasan Cali Axmed iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta Wasaaradda.
Booqashadan ayaa la filayaa inay xoojiso iskaashiga iyo taageerada caalamiga ah ee lagu horumarinayo Kashaafada Soomaaliyeed, islamarkaana ay horseed u noqoto dib-u-dhis iyo tayeyn joogto ah oo lagu sameeyo ururka.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay wafdiga booqashadooda qiimaha leh iyo dadaalkooda ku aaddan taageerada iyo garab istaagga Kashaafada Soomaaliyeed.




