Ciyaaro

Horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa maraya meel aad u xiiso badan, iyadoo galabtay la ciyaaray kulan adag oo dhex maray kooxaha MCC iyo Heegan.

Horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa maraya meel aad u xiiso badan, iyadoo galabtay la ciyaaray kulan adag oo dhex maray kooxaha MCC iyo Heegan. Naadiga Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan ayaa 1-0 kaga adkaatay MCC sidaasna ku helay saddex dhibcood oo muhiim ah. Kulankan ayaa waxaa garoonka usoo daawasho tagay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali oo uu weheliyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xildh. Cabdifataax Qaasim. Joogitaanka mas’uuliyiintan ayaa muujinaya taageerada dowladda ee horumarinta ciyaaraha iyo dhiirrigelinta horyaalka dalka, xilli tartanka horyaalku sii galayo marxalad adag oo kooxuhu ku loollamayaan dhibcaha muhiimka ah.

Wararka

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS iyo Hey’adda Qaramada Midoobay ee Barnaamijyada Horumarka UNDP ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis wada-shaqeyn.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS iyo Hey’adda Qaramada Midoobay ee Barnaamijyada Horumarka UNDP ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis wada-shaqeyn. Heshiiskaan oo ah mid ay labada dhinac kaga wada-shaqeyn doonaan barnaamijyada dhallinyarada, nabadda iyo amniga, horumarinta xirfadaha dhallinyarada, sare u qaadista doorka dhallinyarada ee la dagaalanka isbeddelka cimilada iyo shaqo abuurka dhallinyarada ayaa waxa uu socon doonaa muddo shan sano ah. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS waxaa saxiixa heshiiska ku metelaayay Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali halka dhinaca UNDP uu saxiixa heshiiska ku metelaayay Mr. Lionel Laurens oo ah madaxa UNDP Somalia, ayadoo saxiixa heshiiska uu goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo masuuliyiin labada dhinac kala meteleysay. Saxiixa kadib, Wasiirka Wasaaradda ayaa sagootin u sameeyay Mr. Lionel Laurens oo dhawaan Soomaaliya ka bedelan doona. Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda ayaa wefdiga UNDP soo tusay qeybaha ay ka koobantahay xarunta cusub ee Wasaaradda

Wararka

Wasiirka ayaa Xarunta Wasaaradda Ku Qaabilay Wafdi Heer Caalami ah oo uu Hoggaaminayo Dr. Haani C/raxmaan.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa si sharaf iyo maamuus leh ugu soo dhaweeyey xarunta Wasaaradda wafdi heer caalami ah oo uu hoggaaminayay Dr. Haani C/raxmaan, oo ah Madaxa ugu sarreeya Jimciyada Kashaafada Carbeed, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka. Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay horumarinta iyo dib u habeynta Kashaafada Soomaaliyeed. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Kashaafada Soomaaliyeed ay u heli lahayd taageero heer caalami ah, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, dhisidda awoodda hoggaamineed, iyo horumarinta nidaamka shaqo si ay ula jaanqaaddo Kashaafada dalalka Carabta. Waxaa kulanka goob-joog ka ahaa Mas’uul kasocday Kashaafada Dalka Jabuuti, Guddoomiyaha Ururka Kashaafada Soomaaliyeed Mudane Xasan Cali Axmed iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta Wasaaradda. Booqashadan ayaa la filayaa inay xoojiso iskaashiga iyo taageerada caalamiga ah ee lagu horumarinayo Kashaafada Soomaaliyeed, islamarkaana ay horseed u noqoto dib-u-dhis iyo tayeyn joogto ah oo lagu sameeyo ururka. Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay wafdiga booqashadooda qiimaha leh iyo dadaalkooda ku aaddan taageerada iyo garab istaagga Kashaafada Soomaaliyeed.

Wararka

Xil Wareejinta Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Axmed Xasan Yuusuf ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, kaddib munaasabad xil-wareejin ah oo ka dhacday xarunta Wasaaradda. Xilka ayuu kala wareegay ku-simihii Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Waaxda Horumarinta Ciyaaraha Mudane Saadaq Axmed kaas oo muddadii uu xilka hayay si ku-meel-gaar ah u gutay waajibaadkiisa shaqo. Munaasabadda xil-wareejinta waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Dahabo Suusow Maxamuud iyo howladeenada wasaaradda kuwaas oo si diirran usoo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee cusub waxaana laga wada hadlay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn, hufnaan iyo dardargelinta howlaha Wasaaradda. Mas’uuliyiinta ayaa adkeeyay baahida loo qabo horumarinta adeegyada dhallinyarada iyo kobcinta ciyaaraha dalka, iyagoo u rajeeyay Agaasimaha Guud ee cusub guul iyo Alle-fudayd gudashada mas’uuliyadda culus ee loo igmaday. Dhankiisa, Mudane Axmed Xasan Yuusuf ayaa uga mahadceliyay madaxda Wasaaradda kalsoonida ay siiyeen, wuxuuna ballanqaaday inuu xoogga saari doono horumarinta howlaha Wasaaradda iyo hirgelinta siyaasadaha lagu taageerayo dhallinyarada iyo ciyaaraha.

Ciyaaro

Ciyaar kubada koleyga ah oo ka dhacday garoonka Wiish Ex-Luujino ayeey kooxda Horseed kaga badisay 46 gool dhiggeeda Heegan oo la timid 35 gool.

Ciyaar kubada koleyga ah oo ka dhacday garoonka Wiish Ex-Luujino ayeey kooxda Horseed kaga badisay 46 gool dhiggeeda Heegan oo la timid 35 gool. Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa qayb ka ahayd toddobaadka loo asteeyay munaasabadda caalamiga ah ee nabadda iyo horumarka isboortiga, taas oo diiradda lagu saarayo doorka weyn ee ciyaaruhu ku leeyihiin nabad-dhisidda iyo horumarka bulshada. Kulanka waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Maxamed Cabduqaadir Cali iyo Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobe kuwaas oo ay wehliyeen bahda ciyaaraha iyo marti sharaf kale. Ka soo qaybgalka masuuliyiintan ayaa xoojinaya muhiimadda ay dowladdu siinayso horumarinta isboortiga iyo kaalinta uu ku leeyahay mideynta bulshada. Toddobaadkan xuska ah oo maantay maalintiisii labaad galay ayaa la filayaa in la qabto ciyaaro kala duwan oo kor u qaadaya ka qaybgalka dhalinyarada, isla markaana dhiirrigelinaya wadajirka iyo isdhexgalka bulshada ayadoo munaasabaddan ay fariin cad u dirayso bulshada, taas oo ah in isboortigu yahay awood lagu gaari karo nabad, horumar iyo mustaqbal ifaya.

Ciyaaro

Xuska Caalamiga ah ee Todobaadka Isboortiga ee Horumarka iyo Nabadda oo hal-ku-dhiggiisu sanadkan ahaa “Isboortigu Waa Isku-xiraha Bulshada iyo Xalliyaha Caqabadaha Isdhexgalka”, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho.

Xuska Caalamiga ah ee Todobaadka Isboortiga ee Horumarka iyo Nabadda oo hal-ku-dhiggiisu sanadkan ahaa “Isboortigu Waa Isku-xiraha Bulshada iyo Xalliyaha Caqabadaha Isdhexgalka”, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho. Munaasabaddan oo ku beegan 6-da Abriil ayaa ah maalinta caalamiga ah ee Isboortiga ee Horumarka iyo Nabadda, taasoo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha u beddeshay toddobaad dhan oo xus iyo wacyigelin ah iyadoo la tixgelinayo doorka muhiimka ah ee isboortigu ku leeyahay nabadda, horumarka iyo mideynta bulshada. Wasaaradda oo kaashanaysa G/Banaadir iyo Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed ayaa hoggaaminaysa munaasabaddan, iyadoo la qorsheeyey in lagu qabto ciyaaro kala duwan sida orod nabadeed, ciyaaro saaxiibtinimo, bandhigyo isboorti, fariimo wacyigelin ah iyo kulamo dhiirigelinaya nabadda, midnimada iyo awoodsiinta dhallinyarada. Intii ay socotay munaasabadda waxaa hadallo dhiirigelin ah ka jeediyay masuuliyiin kala duwan oo uu ugu horeeyay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Cali Maxamed Cali Shiine kaasoo ka hadlay doorka isboortigu ku leeyahay isku xirka bulshada iyo kobcinta xirfadaha dhallinyarada, isagoo xusay in ciyaaruhu yihiin aalad muhiim u ah nabadda. Sidoo kale, Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed, Marwo Sucaad Galoow, ayaa tilmaantay muhiimadda iskaashiga hay’adaha isboortiga iyo sidii loo horumarin lahaa fursadaha dhallinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan dhinaca tartamada caalamiga ah. Dhankiisa ayuu Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali wuxuu si gaar ah u xoojiyay in dhallinyarada si firfircoon uga qayb qaataan isboortiga, maadaama uu yahay dariiq lagu xoojin karo nabadda, midnimada iyo horumarka dalka. Ugu dambeyn Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Xildhibaan Sacdiyo Samatar ayaa tilmaantay muhiimadda ka qaybgalka gabdhaha iyo haweenka ee isboortiga, iyadoo sheegtay in dhiirrigelinta ka qaybgalka haweenku ay tahay tallaabo muhiim u ah caddaaladda iyo sinnaanta bulshada. Waxa ay sidoo kale carrabka ku adkeeysay in isboortigu kor u qaado caafimaadka jirka iyo maskaxda, isla markaana uu dhallinyarada siiyo jihayn wax ku ool ah. Xuskaan oo galabtay lagu daah furay ciyaar kubada cagta oo Gabdho ah , Tartanka Baasakiil-ka gabdhaha iyo wiilasha iyo Ciyaarta Falaar Tuurka ayaa la rajeynayaa in toddobaadkaan uu sii xoojin doono doorka isboortigu ku leeyahay dhismaha bulsho mideysan oo nabad ku wada ah.

Scroll to Top