Ciyaaro

Hambalyo Xulka Qaranka Soomaaliya oo 75 sano kadib Markii ugu horreysay gaaray wareega labaad ee isreeb-reebka koobka Qaramada Afrika kadib markii ay ka badiyeen xulka wadanka Mauritius.

Hambalyo Xulka Qaranka Soomaaliya oo 75 sano kadib Markii ugu horreysay gaaray wareega labaad ee isreeb-reebka koobka Qaramada Afrika kadib markii ay ka badiyeen xulka wadanka Mauritius. Sanado badan oo ay ku adkayd inay u gudbaan wareega labaad Ocean Stars ayaa taariikh cusub kusoo daray kubadda cagta Soomaaliya maadama aanan xitaa Xulkeena laga dhalin wax gool ah labo kulan oo isku xiga . Ka qeybgalka AFCON 2027 ee lagu qaban doono Uganda,Kenya& Tanzania waxaa ka xiga Xulka Soomaaliya isku aadka wareega labaad oo ay la gali doonaan group 3 ama 4 wadan. Hambalyo Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliyeed

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa galabtay kormeer iyo dhiirrigelin ugu tagay qaar ka mid ah ganacsatada dhallinyarada ah ee ka hirgeliyay caasimadda Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa galabtay kormeer iyo dhiirrigelin ugu tagay qaar ka mid ah ganacsatada dhallinyarada ah ee ka hirgeliyay caasimadda Muqdisho goobo madadaalo ah iyo meelo ay dhallinyaradu ku nastaan. Booqashadan ayaa ahayd mid lagu muujinayo taageerada dowladda ee hal-abuurka iyo dadaallada ay sameynayaan dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa abuura fursadaha shaqo iyo horumarka dhaqaale. Wasiirka ayaa ku bogaadiyay ganacsatada da’da yar sida ay uga qayb qaadanayaan kobcinta dhaqaalaha iyo hagaajinta muuqaalka guud ee caasimadda isagoo ku tilmaamay xaruntaan Kifaax Business Park meel nuuceeda oo kale dhallinyarada Soomaaliyeed u baahnaayeen. Intii uu socday kormeerka waxaa wasiirka ku weheliyay masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda oo uu ka mid ahaa Wasiirka wasaaradda Dekedaha iyo Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya. Masuuliyiintan ayaa iyaguna muujiyay muhiimadda ay leedahay in la taageero ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah oo ay dhallinyaradu hormuudka ka yihiin. Ganacsiyadan sii kobcaya ayaa door weyn ka qaadanaya iftiiminta amniga Muqdisho maadaama goobaha madadaalada iyo adeegyada bulshada ay ka dhigayaan caasimadda meel bulsho oo amni ahaan la isku halayn karo. Sidoo kale waxay abuuraan shaqooyin ay dhallinyaradu ka helaan nolol-maalmeedkooda, taas oo ka qayb qaadanaysa yaraynta shaqo la’aanta isla markaana dhiirrigelinaysa horumar waara. Guud ahaan kormeerkan iyo dhiirrigelinta la siiyay ganacsatada dhallinyarada ah waxay ka tarjumaysaa dadaalka dowladda ee ku aaddan xoojinta doorka dhallinyarada ee dhismaha iyo horumarinta dalka.

Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha mudane Ahmed Hassan Yusuf ayaa Kulan muhiim ah la yeeshay Ku-xigeenka Wakiilka UNDP Christopher Laker Xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho .

Kulan muhiim ah oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha mudane Ahmed Hassan Yusuf oo uu la yeeshay Ku-xigeenka Wakiilka UNDP Christopher Laker ayaa ka dhacay Xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho . Labada dhinac ayaa ka wada hadlay iskaashiga muddada dheer ee u dhexeeya Wasaaradda iyo UNDP, gaar ahaan horumarinta ajendaha dhallinyarada Soomaaliya. Waxaa kulanka diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa awood-siinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyadoo la horumarinayo maamul wanaagga, fursadaha dhaqaale, kuwa shaqada ,dhismaha nabadda iyo la qabsiga isbeddelka cimilada. Sidoo kale waxay wada xaqiijiyeen ka go’naanshahooda wadajirka ah ee ku aaddan in dhallinyarada Soomaaliyeed loo abuuro fursado wax ku ool ah, iyadoo la hubinayo saameyn muuqata iyo horumar waara oo mustaqbalka fog u leh Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga iyo UNDP

Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa kulan la qaatay Hogaanka Ururka Dhallinyarada SYV iyo qaar ka mid ah haldoorkooda

Hogaanka Ururka Dhallinyarada SYV iyo qaar ka mid ah haldoorka dhallinyarada magaalada Muqdisho ayaa afur soo-dhaweyn iyo isbarasho ah u sameeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Mudane Axmed Xasan Yusuf. Munaasabaddan ayaa ahayd mid lagu xoojinayay xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa wasaaradda iyo ururrada dhallinyarada ayadoo ka qeybgalayaasha ay si diirran u soo dhaweeyeen Agaasimaha Guud, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay ka shaqeeyaan horumarinta dhallinyarada iyo dalka. Intii uu socday afurka waxaa la sameeyay su’aalo aragti-wadaag ah iyo hadalo ay dhallinyaradu ku soo bandhigeen fikrado iyo talooyin ku saabsan horumarka dalka, doorka dhallinyarada iyo sida ay uga qeyb qaadan karaan dhismaha mustaqbalka Soomaaliya Waxaana la is tusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo ururrada dhallinyarada. Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane Axmed Xasan Yusuf ayaa uga mahadceliyay hogaanka SYV iyo dhallinyarada kale ee ka soo qeyb galay soo dhaweynta diirran, isagoo ku booriyay dhallinyarada inay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan horumarka dalka, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha dowladda si loo gaaro isbeddel muuqda

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabduqadir Cali ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Guddoomiyaha Hay’ada Qatar Charity ee Soomaaliya Cabdifataax Aadam Macalim oo ka wada dalka dadaallo gurmad iyo taakulayn ah.

Iyadoo lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, isla markaana ay dalka intiisa badan ka jiraan abaaro ba’an oo sababay khasaare naf iyo maalba leh ayaa Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabduqadir Cali wuxuu ku qaabilay xafiiskiisa Guddoomiyaha Hay’ada Qatar Charity ee Soomaaliya Cabdifataax Aadam Macalim oo ka wada dalka dadaallo gurmad iyo taakulayn ah. Wasiirka ayaa uga mahadceliyay hay’adda kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayso gargaaridda dadka ay saameeyeen abaaruhu iyo sidoo kale garab istaagga ay u muujisay Golaha Dhallinyarada Qaranka oo door firfircoon ka qaatay caawinta bulshada nugul. Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mr Axmed Yusuf , qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha iyo Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta la xiriirta horumarinta arrimaha dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan xilligan adag oo ay dalka ka jiraan caqabadaha bani’aadamnimo

Wararka

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane Axmed Xasan Yusuf ayaa qabtay kulankiisii toddobaadlaha ahaa ee is-xog wareysiga kaas oo uu la yeeshay Agaasima Waaxeedyada iyo Lataliyeyaasha Wasaaradda.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane Axmed Xasan Yusuf ayaa qabtay kulankiisii toddobaadlaha ahaa ee is-xog wareysiga kaas oo uu la yeeshay Agaasima Waaxeedyada iyo Lataliyeyaasha Wasaaradda. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha shaqo iyo hirgelinta qorshayaasha hortabinta leh ee lagu horumarinayo dhallinyarada iyo ciyaaraha dalka. Agaasimaha Guud ayaa dhageystay warbixinno ku saabsan howlaha socda, caqabadaha jira iyo talooyin lagu xoojinayo adeegyada wasaaradda. Sidoo kale waxaa kulanka lagu adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta, isla xisaabtanka iyo mideynta dadaallada si loo gaaro yoolalka horumarineed ee dhallinyarada iyo ciyaaraha. Kulanka ayaa ku soo dhammaaday dhiirrigelin ku wajahan gudashada waajibaadka shaqo ee horyaalla wasaaradda.

Scroll to Top