
Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada ayaa si weyn loogu xusay magaalada Muqdisho.
Munaasabaddaan oo ay soo abaabushay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiiro, Madax ka socotay Hey’adaha Caalamka, Ururada Dhallinyarada, Bahda Waxbarashada iyo Dhallinyarada baahiyaha gaarka ah qaba. Dood-cilmiyeed ku aaaddan hal-ku-dhigga sanadkaan oo ah “Xaalado Kala Duwan, Himilooyin Wadaag ah” ayaa waxaa yeeshay dhallinyaro kala mataleysay hey’adaha caalamka, dowladda iyo ururada dhallinyarada. Munaasabadda waxaa qeyb ka ahaa tijaabi nasiibkaaga uu ku xusnaa Safar Aqoon kororsi iyo taariikhda Xadaradeed ah kaas oo qaar ka mid ah dhallinyarada kasoo qeybgashay ay ku nasiib u heleen ayagoo kala matalayay Ururada Dhallinyarada,Jaamacadaha,Naafada iyo qaybaha kale ee Dhallinyarada. Wasiirada iyo madaxda kasoo qeybgashay munaasabadda ayaa khudbado ay jeediyeen Hambalyo ugu diray Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaga oo ku bogaadiyay kaalinta miisanka leh oo ay ka qaataan dib u dhiska dalka. Wasiirka Wasaaradda oo munaasabadda soo gunaanaday ayaa tilmaamay in Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS ay ka go’antahay awood-siinta dhallinyarada oo ay Wasaaradda u aragto waajib muhiim ah.
