Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS oo qabatay munaasabad weyn oo lagu xusaayay 82 guuradii kasoo wareegatay aasaaska Ururka SYL.
Munaasabaddaan weyn oo ay isugu yimaadeen in ka badan 1,000 dhallinyaro oo ka kala socda qeybaha kala duwan dhallinyarada ayaa waxa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Dr Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali, Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda, Marwo Dahabo Suusoow Maxamud, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Agaasimaha Madaxtooyada ,Taliyaha Booliska iyo Xildhibaano.
Wasiirka Wasaaradda oo ka hadlay munaasabadda asagoo ugu horeyn u hambalyeeyay Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in Dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin madaxweynaha dib u dhiska iyo xoreynta dalka, Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaaamay baahida ay dhallinyarada u qabaan in dalka laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo soo xiray munaasabadda ayaa ku dheeraaday in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ahaadaan kuwa ku mideysan nabadeynta iyo dib u dhiska dalka ayna ka fogaadaan wax walba oo kala qeybin ku keeni kara.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhallinyarada ku dhiirrigeliyay inay si fiican kaga faa’ideystaan dooraashooyinka golaha deegaanka ee dhowaan la filaayo inay ka qabsoomaan dalka.


