Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb galay xuska maalinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Turkiga oo si heer sare ah loogu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan ayaa ahayd mid lagu muujinayey qiimaha iyo muhiimadda dhallinyarada, iyadoo lagu xusayey maalinta dhallinyarada Turkiga ee 19-ka Maajo iyo sidoo kale maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka Maajo. Intii ay socotayna waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro ,farshaxan iyo madadaalo kala duwan oo ay ka muuqdeen isdhexgalka dhallinyarada labada dal.
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali, oo door weyn ku lahaa dhiirrigelinta ka qeybgalka dhallinyarada Soomaaliyeed, ayaa xusay in munaasabaddan ay tahay fursad lagu muujinayo kartida dhallinyarada Soomaaliyeed, isla markaana ay tahay dhabbaha lagu horumarin karo xirfadaha iyo isku xirka dhallinyarada caalamka,sidoo kale xoojinta xiriirka dhaqameed iyo ciyaareed ee u dhexeeya labada dal ee Turkiga iyo soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo hadal qiimo leh ka jeediyey munaasabadda, ayaa sheegay in mustaqbalka Qaran walba uu gacanta ugu jiro dhallinyarada dalkiisa, loona baahan yahay in lagu hago waddada toosan si ay u noqdaan hormuudka horumarka.
Munaasabaddan ayaa si weyn u muujisay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo ay si gaar ah u iftiimisay kaalinta dhallinyarada ee horumarka labada qaran.

