Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa shir gudoomiyay shirka Guddiga sare ee Mashruuca YOU-ACT (YOU-ACT Project Steering Committee Meeting) oo maanta qabsoomay.
Shirkaan oo ah mid 3dii billood mar la qabto ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka iyo qorshayaasha mashruuca.
Wasiirka Wasaaradda oo daahfuray shirka ayaa ka hadlay muhiimadda uu mashruucan u leeyahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Jowhar oo ah goobta laga fulinaayo mashruuca. Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay sida ay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS kaga qeybqaadatay fulinta qeybo ka mid ah barnaamijyada mashruucaan.
Shirka waxaa kasoo qeybgalay hey’adaha fulinaaya mashruuca, deeq bixiyayaasha iyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Hirshabeelle Maxamed Xuseen Ceynte.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Jamaal Abdullahi Mohamed oo soo xiray kulanka ayaa kaga mahadceliyay masuuliyiinta kasoo qeybgashay kulankaan muhiimka ah asagoo adkeeyay in Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS ay diyaar u tahay inay doorkeeda si fiican kaga qaadato fulintaan mashruucaan.

Photo by: Abdirahman Ali Ahmed (Shaataa)

Scroll to Top