Waxaa galabta Muqdisho ka qabsoomay Xaflada Qori-Tuurka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir ee sannadka 2025 oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho.
Xaflada ayaa waxaa ka qayb-galay bahda isboortiga iyo qaybaha kala duwan ee bulshada iyadoo ay goob joog ahaayeen masuuliyiin ka socday Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Degmooyinkiisa, Halyeeyada Nabada iyo marti sharaf kala duwan.
Masuuliyiintii xaflada ka hadlay ayaa boggaadiyay, sidoo kalana soon dhaweeyay qabashada tartankan iyagoo u mahad celiyay dhammaan dadkii iyo hay’adaha ka shaqaynaya qabsoomida Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir ee 2025.

