Iyadoo laga amba qaadayo heshiiskii horay ay u gaareen labada Wasiir ee Wasaaradaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga (Saudi Development for Fund) Sultan bin Abdulrahman Al-Marshed.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii Soomaaliya looga horumarin lahaa kaabayaasha ciyaaraha, iyadoo laga wada hadlay hirgelinta heshiiskii hore ee ku saabsanaa iskaashiga dhanka dhismaha iyo dib u habaynta garoomada ciyaaraha iyo taageeridda mashaariicda horumarineed ee dhalinyarada Soomaaliyeed.
Labada mas’uul ayaa isla qaatay in la dardar geliyo mashaariicda lagu horumarinayo kaabayaasha isboortiga dalka si gaar ahna diirada loo saaro dhisidda iyo dib u habaynta garoomada muhiimka ee dalka.
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa sheegay in iskaashigan uu yahay mid muhiim u ah horumarinta ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in dowladda ay ka go’an tahay in la abuuro fursado cusub oo ay dhalinyaradu kaga qeyb qaataan dhismaha dalka.
Scroll to Top