Iyadoo lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, isla markaana ay dalka intiisa badan ka jiraan abaaro ba’an oo sababay khasaare naf iyo maalba leh ayaa Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabduqadir Cali wuxuu ku qaabilay xafiiskiisa Guddoomiyaha Hay’ada Qatar Charity ee Soomaaliya Cabdifataax Aadam Macalim oo ka wada dalka dadaallo gurmad iyo taakulayn ah.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay hay’adda kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayso gargaaridda dadka ay saameeyeen abaaruhu iyo sidoo kale garab istaagga ay u muujisay Golaha Dhallinyarada Qaranka oo door firfircoon ka qaatay caawinta bulshada nugul.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mr Axmed Yusuf , qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha iyo Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta la xiriirta horumarinta arrimaha dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan xilligan adag oo ay dalka ka jiraan caqabadaha bani’aadamnimo
Scroll to Top