Doorka soo dhaweynta Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan Raiisul Wasaaraha XFSXamze Cabdi Barre.
Cumar Cartan waxa uu dhex-dhexaadiyay ciyaaro caalami ah oo kala duwan, isaga oo muujiyay xirfad, daacadnimo iyo karti sare oo sare u qaaday magaca Soomaaliya. Guulihiisa waxay dhiirrigelin iyo rajo u yihiin ciyaartooyda, garsoorayaasha iyo guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku haminaysa inay gaaraan heerar caalami ah.
Wuxuu tusaale muuqda u yahay adkaysiga, dadaalka iyo kartida dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay in qofka Soomaaliyeed uu ka dhex muuqan karo fagaarayaasha caalamka marka uu helo himilo, dadaal iyo kalsooni.
Scroll to Top