Ujeeddada kulanka ayaa ahayd dhaqan-gelinta Siyaasadda Horumarinta Isboortiga, oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada JFS.
Siyaasaddan ayaa muhiim u ah horumarinta iyo jihaynta Isboortiga Soomaaliyeed, kaas oo muddo 35-kii sano ee la soo dhaafay soo maray duruufo iyo caqabado kala duwan.
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, xiriirrada kala duwan ee ciyaaraha, naadiyada, ururrada iyo haldoorka ciyaartooyda Soomaaliyeed waxay laf-dhabar u noqdeen sii jiritaanka Isboortiga dalka.
Iyadoo ay jireen xaalado adag iyo burbur, waxay door muhiim ah ka qaateen tababarka, dhiirrigelinta iyo kobcinta dhallinyarada Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, iyagoo xaqiijiyey in uusan damin iftiinka Isboortiga Soomaaliyeed.
Kulanka maanta waxaa si wadajir ah looga tashaday hirgelinta tiirarka iyo ujeeddooyinka Siyaasadda Horumarinta Isboortiga, si loo gaaro himilooyinka fog ee Isboortiga dalka.
Sidoo kale, waxaa la isla meel dhigay hawlaha mudnaanta u leh fulinta siyaasadda, oo ay ka mid yihiin diyaarinta Qorsha Hawleedka Isboortiga ee 2026-2030, iyo diyaarinta Sharciga Qaran ee Isboortiga.
Tallaabooyinkan ayaa muhiim u ah dhismaha nidaam Isboorti oo casri ah, waara, isla markaana fursado wanaagsan u abuura dhallinyarada iyo ciyaartooyda Soomaaliyeed.
Scroll to Top