Agaasimaha Horumarinta Isboortiga ahna Sii Hayaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Mudane: Saadaq Axmed ayaa ka qeyb galay tababar heer sare ah oo ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti. Tababarkan oo diiradda lagu saarayay Hirgelinta, Joogtaynta iyo Horumarinta Siyaasadda Isboortiga ee Midowga Afrika (African Union) ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda Isboortiga Jabuuti iyo Midowga Afrika isagoo ka qayb ahaa dadaallada lagu xoojinayo horumarka iyo wada shaqeynta dhinaca isboortiga ee dalalka xubnaha ka ah.
Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay Agaasimayaasha Isboortiga ee 14 dal oo ka tirsan Guddiga Hoosaadka Gobolka 4-aad ee Midowga Afrika (Region 4), Soomaaliya ayaana qeyb ka ahayd dalalka martiqaadka ku yeeshay madasha. Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ka socda Midowga Afrika iyo guddiyo farsamo oo ku howlanaa barnaamijyada isboortiga ee qaaradda.
Furitaanka tababarka waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha ee Dowladda Djibouti, kaas oo muujiyay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado horumarinta isboortiga qaaradda Afrika, gaar ahaan dhisidda siyaasad mideysa dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.
Intii kulanku socday, waxaa lagu falanqeeyay sida loo hirgelin karo siyaasad qaran oo ku saleysan qorshaha isboorti ee Midowga Afrika, Hababka lagu heli karo maalgelin joogto ah oo lagu hormarinayo kaabeyaasha isboortiga, Doorka ay dhalinyaradu ku leeyihiin kobcinta isboortiga iyo nabadda iyo Iskaashiga goboleed ee taageeraya tartamada African Union iyo waddamada xubnaha ka ah.
Agaasime Saadaq oo Soomaaliya uga qeyb galay kulanka ayaa soo bandhigay dhaqangelinta siyaasadda isboortiga ee dalku ku hawlan yahay iyo caqabadaha jira, wuxuuna dhankiisa ka helay talooyin iyo taageero la xiriirta sidii loo xoojin lahaa qorshaha isboorti ee qaranka.
Tababarkan ayaa lagu soo gabagabeeyay ugu dambeyn iyadoo la isku raacay in dalalka ka soo qayb galay ay sii amba-qaadaan wada shaqeynta iyo wax-wada-qabsiga lagu horumarinayo isboortiga Afrika, si loo gaaro mustaqbal isboorti oo mideysan oo heer caalami gaara.
Scroll to Top