Daahfurka Qaran ee Dugsiga Nabadda iyo Dimuqraadiyada Soomaaliya (SPD Somalia) oo Maanta ka Dhacay Muqdisho.
Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah loogu daahfuray Dugsiga Nabadda iyo Dimuqraadiyada Soomaaliya (SPD Somalia) oo munaasabada oo uu hogaaminaayay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Senatoro , Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo sare.
Daahfurka dugsigan waxaa ka horreeyay dood-wadaagyo bishii hore ka dhacay qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada dalka, kuwaas oo diiradda lagu saaray doorka dhallinyarada ee dimuqraadiyadda iyo amniga.
Doodahaas ayaa lagu isla gartay baahida loo qabo in la helo Iskuul si gaar ah u qaabilsan Nabadda iyo Dimuqraadiyadda, si loo xoojiyo wacyiga iyo ka qeybgalka dhallinyarada.
Hirgelinta mashruucan waxaa fulisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyadoo kaashaneysa Hay’adda Qaramada Midoobay ee Horumarinta (UNDP) iyo KOICA, taasoo horseeday in maanta si rasmi ah loo daahfuro dugsigan muhiimka ah.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda uu dugsigani u leeyahay xoojinta amniga iyo dimuqraadiyadda dalka isagoo xusay in Soomaaliya ay si weyn ugu baahan tahay labadaas tiir si loo helo mustaqbal xasilloon.
Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa sheegay in hirgelinta Dugsiga Nabadda iyo Dimuqraadiyada ay gacan ka geysan doonto dhismaha Soomaaliya cagaaran oo nabad ku dhisan isla markaana kobcin doonta wacyiga bulshada.
Masuuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen Senator Cusmaan Dubbe, Wasiir Al-Cadaala, Wasiir Nuura Mustaf iyo Xildhibaan Cabdifataax Qaasim ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay daahfurka dugsigan iyagoo bogaadiyay doorka uu ka qaadan doono horumarinta dhallinyarada.
Ugu dambeyn waxaa munaasabadda soo xiray Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali oo ka warbixiyay sida ay wasaaraddu ugu hawlan tahay hirgelinta mashaariic wax ku ool ah oo dan u ah dhallinyarada iyo dalka guud ahaan gaar ahaan kuwa la xiriira nabadda, dimuqraadiyadda iyo hoggaaminta mustaqbalka. Wuxuuna xusay in dugsigan ay ka faa’iidi doonaan inta badan dhallinyarada Soomaaliyeed.
Scroll to Top