Doorka Soomaaliya ee Awoodsiinta Dhallinyarada Gobolka IGAD
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Jamaal Cabdullaahi Maxamed iyo La-taliyaha Sare ee Barnaamijyada iyo Istaraatiijiyadda ee Wasaaradda Saadaq Axmed Cabdulle ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Shirkan oo diiradda lagu saaray hirgelinta Khariidadda Siyaasadeed ee Dhallinyarada IGAD (Roadmap to the implementation of the IGAD Youth Policy) ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dalalka xubnaha ka ah IGAD ee ku aadan awoodsiinta dhallinyarada iyo kobcinta ka qaybgalka siyaasadeed, dhaqaale, iyo mid bulsho.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha in ay door muuqda ka qaadato horumarinta iyo difaaca danaha Dhallinyarada gobolka IGAD.
Scroll to Top