Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay ciyaarta kama dambeysta ah ee Tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Ciyaarta oo aheyd mid aad u xamaasad badan ayaa waxaa u soo daawasho tagay kumanaan taageerayaal ah oo ka kala yimid dhammaan degmooyinka magaalada Muqdisho iyo daafaheeda.
Ciyaarta oo u dhaxeysay Degmada qadiimiga ah ee Warsheekh iyo Degmada faca-weyn ee Howlwadaag ayaa waxa ay guusha 2-1 ku raacday Degmada Howlwadaag.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gudoonsiiyay koobka iyo biladaha ciyaartoyda labada koox.
Scroll to Top