Ra”iisul wasaare ku xigeenka XFS Mudane Abdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta xillalka u kala wareejiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiirka Cusub Mr Maxamed Cabduqaadir Cali.
Munaasabadaan oo si wayn loo soo agaasimay ayaa waxaa Xillalka kula kala wareegay sidoo kale Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego iyo Wasiir ku xigeenka cusub Xildhibaan Dahabo Suusow Maxamed waxaana goobjoog ka ahaa Wasiir dowlaha Xafiiska Raii’sul wasaaraha Mr Xirsi Gaani, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha bulshada Md. Yusuf Maxamed,Agaasimaha guud ee wasaaradda Mr Cabdulaahi Jamaal Maxamed ,Agaasime waxeedyada Wasaaradda iyo dhamaan hay’adaha iyo ururada Dhallinyarada iyo Isboortiga .
Wasiirka xilka wareejiyay ee Maxamed Barre Maxamuud ayaa sharxay Guulihii iyo howlihii u qabsoomay ee Dhallinyarada iyo Ciyaaraha mudadii uu Xafiiska joogay asagoona kula dardaarmay shaqaalaha inay sii xoojiyaan howlaha ay qarankooda u haayaan.
Dhankiisa Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa balan qaaday inuu kasii wadayo howlaha Hormarinta Ciyaaraha iyo Arrimaha Dhallinyarada wixii dadaala ah ee socdayna uu intii karaankiisa ah ku dari doono in cusubna kusii dari doono sida in wasaaradda xarunteedii rasmiga ahayd dib ugu howlgasho oo kale.
Ugu dambayn Ra”iisulwasare Kuxigeenka Dalka Abdisalaan Cabdi Cali Dhaay oo munaasabada Soo xidhay ayaa tilmaamay muhiimada wadankeena u leedahay Wasaaraddan oo uu ku sheegay Awoodii Qaranka Soomaaliyeed maadama bulshada inta ugu badan oo dhallinyaro ah wasaaradoodii tahay wuxuuna u mahadceliyey Wasiir Maxamed Barre oo ku tilmaamah inuu Wax muuqda ka qabatay Wasaaradda mudadii uu hogaaminaayay .
Dhanka kalana wuxuu soo dhaweeyay wasiirada cusub asagoo kula dardaarmay shaqo wanaag iyo in meesha ay maantu wasaaraddu joogto kasii horumariyaan.


