Wasiir Kuxugeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Xil. Dahabo Suusow Maxamud ayaa Maanta ku qaabishay Xafiiskeeda Mas’uuliyiinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta iyo Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed, waxaana kulankas looga wada hadlay u diyaar garowga qabashada Tartanka kubada Cagta ee Jaamacadaha.
Wasiir Dahabo Suusow ayaa ku dhiira gelisay Xiriirka iyo Midowga Jaamacadaha in ay u howl galaan meel marinta iyo qabsoomida taratanka Jaamacadaha oo qeeyb ka ah horumarinta cayaaraha dalka gaar ahaan kuwa Jaamacadaha.
Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Isboortiga Mudane Saacid Maxamed Xasan oo soo gudbiyay marxaladii uu soo maray qabashada Tartankan.
Guddoomiye kuxigeen Midowga Jaamacadaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka Xiriirka Kubada Cagta ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin qabashada Tartanka Jaamacadaha.
Ugu dambeyn Waxaa kulanka ka soo baxay:
1. In ay tartanka ka soo qeyb galaan 32 Jaamacadood
2. In Diiwaangelinta la soo gaba gabeeyo 15/4/2025
3. In Tababar loo qabto Macalimiinta Jaamacadaha 17/4/2025
4. In Qorya tuurka iyo Jadwalka Tartanka la sameeyo 22/4/2025
5. In tartanka uu bilowdo 29/4/2025


