Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay madaxa Hey’adda UNFPA ee Somalia Marry Otieno.
Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee xuska maalinta caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka (12 August) iyo barnaamijyada kale ee horumarinta dhallinyarada.
Labada dhinac ayaa isku afgartay in la xoojiyo wadashaqeynta sidoo kalena sare loo qaado barnaamijyada horumarinta dhallinyarada.

