Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa maanta xarunta wasaaradda kulan kula qaatay Md. George Conway, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isuduwaha Gargaarka iyo Arrimaha Bani’aadamnimada (UNTMIS), oo uu wehliyo Md. Martti Karttunen, Iskuduwaha Dhallinyarada ee Xafiiska DSRSG/RC/HC.
Kulanka intii uu socday, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa soo bandhigay howlaha muhiimka ah ee wasaaraddu iyo mudnaanta istiraatiijiyadeed ee ay diiradda saarayso, gaar ahaan arrimaha horumarinta dhallinyarada.
Dhinaca kale, Md. Goerge Conway ayaa carabka ku adkeeyay in dhinacooda ay mudnaan buuxda siin doonaan arrimaha dhallinyarada iyo awoodsiintooda sidoo kalena ay si dhow arrimahaas kala shaqeyn doonaan Wasaaradda.
Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda ayaa Md. George Conway iyo wafdigiisa kaga mahadceliyay kulankooda iyo booqashadooda xarunta Wasaaradda.
Scroll to Top