Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali oo magaalada Amman ee dalka Jordan kaga qeybgalay daah-furka istaraatiijiyadda carbeed ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga ayaa waxa uu kulan la qaatay dhigiisa Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee dalka Jordan.
Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha horumarinta dhallinyarada iyo cayaaraha.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga ee dalka Jordan Yazan Shdeifat ayaa ka warbixiyay sida ay sanadkaan Amman u martigelisay dhallinyarada Carabta oo sanadkaan caasimadooda loo doortay dalka Amman.
Wasiir Maxamed Cabdulqaadir ayaa dhigiisa kaga mahadceliyay soo dhoweynta quruxda badan oo ay dowladda Jordan u sameesay asaga iyo wafdigiisa iyo sida ay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee dalka Jordan ugu howlantahay awoodsiinta Dhallinyarada Carabta.
Scroll to Top