๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐๐š๐ญ๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐œ๐š๐ฒ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐ž๐ž ๐ก๐ž๐ž๐ซ ๐…๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐š๐ฅ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ก๐ž๐ž๐ซ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ ๐ ๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ž๐ž๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ ๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐ง๐š๐š๐๐ข๐ซ ๐จ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐ฒ.

๐Œ๐”๐๐ƒ๐ˆ๐’๐‡๐Ž, ๐Ÿ๐Ÿ’ ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ฌ๐จ, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ‘. Shirkan oo socon doona labada maalmood ee soo socda ayaa diirradda lagu saari doonaa kor u qaadidda wadashaqaynta wanaagsan ee haddaba ka dhaxaysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS iyo wasaaradaha dowlad goboleedyada, tartankii dowlad goboleedyada, siyaasadda qaran oo la isku raacsanyahay oo ay yeeshaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo qodobo kale oo muhiim ah.
Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo hadal ka jeediyay shirka ayaa wasiirrada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad goboleedyada dareensiiyay shaqada hortaala iyo baahiyaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee halista argagixisada, shaqo la’aanta, maandooriyaha iyo tahriibka, waxaa iyaguna hadallo furitaankii shirka ka jeediyay wasiirrada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Dhinaca wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS waxaa iyana shirka kalmado ka jeedisay Marwo Fahmo Axmed Nuur wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo agaasimaha guud Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye oo maalmaha uu shirku socdo hoggaamin doona kooxaha farsamada ee shirka si ay wasiirrada ugu soo gudbiyaan nuxurka la isku raacay.
Kulanka oo ah kii labaad tan iyo intii la dhisay xukuumadda DAN-QARAN ayaa la filayaa in go’aamo wax ku ool ah laga soo saaro labada maalmood ee uu socdo.

Scroll to Top