
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xil. Dahabo Susow Maxamud ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay wafdi uu hoggaaminaayey ku simaha Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr Ozan Can Gümüş
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xil. Dahabo Susow Maxamud ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay wafdi uu hoggaaminaayey ku simaha Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr Ozan Can Gümüş Booqashadaas oo ujeedkeedu ahaa dardar galinta iyo xog is weydaarsi ku saabsan heshiisyo dhanka horumarinta Isboortiga ah oo ay horay u kala saxiixdeen labada Dal ee Turkiga iyo Soomaaliya.Safiirka oo booqashadiisa ay ku wehliyeen masuuliyiin uu kamid ahaa Akif Adnan Dizer ayaa ugu horeyn faahfaahin ka bixiyay qeyb ka mid ah heshiisyada horay loo galay iyo muhiimadda ay leeyihiin hirgelintooda.Kulanka oo goobjoog uu ka ahaa Agaasimaha Waaxda Isboortiga ee Wasaaradda Mudane Saacid Maxamed Xasan ayaa dhankiisa sharaxaad kooban ka bixiyay taariikhda guud ee Isboortiga Soomaaliya, marxaladihii uu soo maray iyo guulihii laga gaaray iyo qorsheyaasha wasaaradda ee dhanka Horumarinta Isboortiga.Ku simaha Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr Ozan Can Gümüş oo bogaadiyay dadaalada ay wado Wasaaradda ayaa ku booriyay Wasiir ku xigeenka in la sii dar dar galiyo hirgalinta mashruucyada hormarineed ee Isboortiga.Ugu Dambeyn Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ayaa Safiirka iyo Wafdigii la socday uga mahad celisay booqashadooda waxayna soo dhoweysay dadaalada uu dalka Turkiga ugu jiro garab istaagga Dawladda Soomaaliya iyo mashaariicda wax tarka leh oo ay dalka ka wadaan, si gaar mashaariicda horumarinta Isboortiga oo la filayo in dhawaan howlahoodu bilaabmaan.