May 24, 2025

Wararka

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS, Guddiga Olimbikada Qaranka Soomaaliyeed iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa manata ku xusay magaalada Muqdisho maalinta caalamiga ah ee isboortiga Horumarinta iyo Nabadda 6 April.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS, Guddiga Olimbikada Qaranka Soomaaliyeed iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa manata ku xusay magaalada Muqdisho maalinta caalamiga ah ee isboortiga Horumarinta iyo Nabadda 6 April. Munaasabada xuska maalinta 6-da April oo lagu kala qabtay Garoomada Stadium Mogadishu iyo Wiish Stadium ayaa Waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka ku Xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xildhibaan Dahabo Suusow, Agaasimaha Wasaaradda Jamaal Shiil, Agaasimaha Waaxda Isboortiga ee Wasaaradda Saacid Maxamed, Guddoomiye ku Xigeenka 1-aad ee Guddiga Olimbikada Qaranka Soomaaliyeed Duran Farah, Xoghayaha Guud ee GOQS Mohamed Abdo Haij, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Cabdirashiid Cabdulle, Xoghayaha Guud ee Xiriirka Yuusuf Muxudiin, Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Maxamed Cali Siyaad iyo bahweynta Isboortiga wiilal iyo gabdhaba. Waxaa la qabtay ciyaar Kubadda Kolayga ah oo ay dheeleen degmooyinka Shibis iyo Hodan, Ciyaaro dhaqameedyo ay ka mid yihiin xarig jiid, tartanka Jawaan-ku-orodka, dhari jebin. Waxaa kaloo dabaal degga qeyb ka ahaa oo maalinkaan lagu maamuusay ciyaartii galabta dhex martay kooxaha Dekadaha iyo Horseed, oo ka dhacay Garoonka Mogadishu Sadium. Xuskaan maalintaan weyn ayaa si guul leh ku soo dhamaaday, iyadoo Koob iyo Abaal marino kala duwan la guddoon siiyay kooxixii ku guuleystay tartamadii kala duwanaa.

Wararka

Wasiir Kuxugeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Xil. Dahabo Suusow Maxamud ayaa Maanta ku qaabishay Xafiiskeeda Mas’uuliyiinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta iyo Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed, waxaana kulankas looga wada hadlay u diyaar garowga qabashada Tartanka kubada Cagta ee Jaamacadaha.

Wasiir Kuxugeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Xil. Dahabo Suusow Maxamud ayaa Maanta ku qaabishay Xafiiskeeda Mas’uuliyiinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta iyo Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed, waxaana kulankas looga wada hadlay u diyaar garowga qabashada Tartanka kubada Cagta ee Jaamacadaha. Wasiir Dahabo Suusow ayaa ku dhiira gelisay Xiriirka iyo Midowga Jaamacadaha in ay u howl galaan meel marinta iyo qabsoomida taratanka Jaamacadaha oo qeeyb ka ah horumarinta cayaaraha dalka gaar ahaan kuwa Jaamacadaha. Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Isboortiga Mudane Saacid Maxamed Xasan oo soo gudbiyay marxaladii uu soo maray qabashada Tartankan. Guddoomiye kuxigeen Midowga Jaamacadaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka Xiriirka Kubada Cagta ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin qabashada Tartanka Jaamacadaha. Ugu dambeyn Waxaa kulanka ka soo baxay: 1. In ay tartanka ka soo qeyb galaan 32 Jaamacadood 2. In Diiwaangelinta la soo gaba gabeeyo 15/4/2025 3. In Tababar loo qabto Macalimiinta Jaamacadaha 17/4/2025 4. In Qorya tuurka iyo Jadwalka Tartanka la sameeyo 22/4/2025 5. In tartanka uu bilowdo 29/4/2025

Scroll to Top