May 26, 2025

Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb galay xuska maalinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Turkiga oo si heer sare ah loogu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb galay xuska maalinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Turkiga oo si heer sare ah loogu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho. Munaasabaddan ayaa ahayd mid lagu muujinayey qiimaha iyo muhiimadda dhallinyarada, iyadoo lagu xusayey maalinta dhallinyarada Turkiga ee 19-ka Maajo iyo sidoo kale maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka Maajo. Intii ay socotayna waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro ,farshaxan iyo madadaalo kala duwan oo ay ka muuqdeen isdhexgalka dhallinyarada labada dal. Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali, oo door weyn ku lahaa dhiirrigelinta ka qeybgalka dhallinyarada Soomaaliyeed, ayaa xusay in munaasabaddan ay tahay fursad lagu muujinayo kartida dhallinyarada Soomaaliyeed, isla markaana ay tahay dhabbaha lagu horumarin karo xirfadaha iyo isku xirka dhallinyarada caalamka,sidoo kale xoojinta xiriirka dhaqameed iyo ciyaareed ee u dhexeeya labada dal ee Turkiga iyo soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo hadal qiimo leh ka jeediyey munaasabadda, ayaa sheegay in mustaqbalka Qaran walba uu gacanta ugu jiro dhallinyarada dalkiisa, loona baahan yahay in lagu hago waddada toosan si ay u noqdaan hormuudka horumarka. Munaasabaddan ayaa si weyn u muujisay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo ay si gaar ah u iftiimisay kaalinta dhallinyarada ee horumarka labada qaran.

Wararka

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS oo qabatay munaasabad weyn oo lagu xusaayay 82 guuradii kasoo wareegatay aasaaska Ururka SYL.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS oo qabatay munaasabad weyn oo lagu xusaayay 82 guuradii kasoo wareegatay aasaaska Ururka SYL. Munaasabaddaan weyn oo ay isugu yimaadeen in ka badan 1,000 dhallinyaro oo ka kala socda qeybaha kala duwan dhallinyarada ayaa waxa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Dr Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali, Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda, Marwo Dahabo Suusoow Maxamud, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Agaasimaha Madaxtooyada ,Taliyaha Booliska iyo Xildhibaano. Wasiirka Wasaaradda oo ka hadlay munaasabadda asagoo ugu horeyn u hambalyeeyay Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in Dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin madaxweynaha dib u dhiska iyo xoreynta dalka, Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaaamay baahida ay dhallinyarada u qabaan in dalka laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo soo xiray munaasabadda ayaa ku dheeraaday in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ahaadaan kuwa ku mideysan nabadeynta iyo dib u dhiska dalka ayna ka fogaadaan wax walba oo kala qeybin ku keeni kara. Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhallinyarada ku dhiirrigeliyay inay si fiican kaga faa’ideystaan dooraashooyinka golaha deegaanka ee dhowaan la filaayo inay ka qabsoomaan dalka.

Scroll to Top