Wararka

Kulan muhiimadiisu uu ahaa sidii loo dardargelin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa hay’adaha isboortiga dalka iyo Wasaaradda loona xoojin lahaa taageerada farsamo iyo mida maamul ee xulalka qaranka iyo howlaha horumarinta guud ee isboortiga dalka ayuu Wasiirka Wasaraadda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali la yeeshay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee (GOS) iyo Xirriirada Isboortiga dalka .

Kulan muhiimadiisu uu ahaa sidii loo dardargelin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa hay’adaha isboortiga dalka iyo Wasaaradda loona xoojin lahaa taageerada farsamo iyo mida maamul ee xulalka qaranka iyo howlaha horumarinta guud ee isboortiga dalka ayuu Wasiirka Wasaraadda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali la yeeshay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee (GOS) iyo Xirriirada Isboortiga dalka . Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS ayaa ballanqaaday in Wasaaradda si buuxda u garab istaagi doonto GOS iyo xiriirrada isboortiga, isagoo sidoo kale sheegay in la xoojin doono la xisaabtanka hawlaha xiriirrada si loo hubiyo hufnaanta iyo waxqabadka hay’adaha isboortiga. Masuuliyiinta Guddiga Olombikada iyo qaar ka mid ah xiriirrada isboortiga oo kulanka ka jeediyay warbixino ku saabsan halka ay marayaan howlaha isboortiga ayaa tilmaamay inay dardargelin doonaan iyagana dhankooda horumarinta Ciyaaraha. Kulankan ayaa muujinaya dadaalka ay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ugu jirto horumarinta isboortiga dalka, taas oo la filayo inay horseedo kobaca isboortiga iyo kor u qaadista magaca Soomaaliya ee caalamka.