
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xildhibaan Dahabo Susow Maxamuud, ayaa ka qayb gashay munaasabad lagu furayay garoomo cusub oo laga hirgeliyay xarunta SOS ee degmada Heliwaa. Goobtaan ayaa loogu talagalay in lagu qabto ciyaaraha kala duwan sida kubbadda kolayga (Basketball), kubbadda laliska (Volleyball), Tennis-ka iyo Gym-ka.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xildhibaan Dahabo Susow Maxamuud, ayaa ka qayb gashay munaasabad lagu furayay garoomo cusub oo laga hirgeliyay xarunta SOS ee degmada Heliwaa. Goobtaan ayaa loogu talagalay in lagu qabto ciyaaraha kala duwan sida kubbadda kolayga (Basketball), kubbadda laliska (Volleyball), Tennis-ka iyo Gym-ka. Munaasabadda furitaanka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha SOS Village Children, Mudane Cabduqadir Dhaqane, oo si diirran u soo dhaweeyay wasiir ku xigeenka iyo marti sharaf kale oo ay ka mid ahaayeen qaar ka mid ah Gudoomiyayaasha Xiriirrada. Kulanka furitaanka waxaa bilow u noqday ciyaar dhexmartay laba koox oo ka tirsan kooxaha kubbadda kolayga ee dalka, taasoo qayb ka ahayd muujinta howlgalka garoonka cusub. Xaruntan ayaa noqon doonta meel carruurta iyo dhallinyarada daryeelka SOS ay ka heli doonaan madadaalo, horumar iyo is dhexgal bulsho, iyadoo la filayo inay door weyn ka ciyaarto horumarinta ciyaaraha iyo fayo-qabka dhallinyarada. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ayaa ballan qaaday taageerada joogtada ah ee dowladda, iyadoo sheegtay in la bixin doono barnaamijyo tababar, qalab ciyaareed, iyo fursado horumarineed oo loogu talagalay dhallinyarada Soomaaliyeed. Tani waa tallaabo muhiim ah oo lagu maalgelinayo mustaqbalka Isboortiga, laguna kobcinayo ciyaartooyda hibadooda, isla markaana lagu xoojinayo nabadda iyo is-dhexgalka bulshada iyada oo loo marayo ciyaaraha.