Ciyaaro

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali, ayaa maanta si rasmi ah xarunta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed uga daah-furay tababarkii ugu horreeyay ee loo qabto macallimiinta iyo garsoorayaasha ciyaaraha Xeebaha (Beach Soccer) ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali, ayaa maanta si rasmi ah xarunta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed uga daah-furay tababarkii ugu horreeyay ee loo qabto macallimiinta iyo garsoorayaasha ciyaaraha Xeebaha (Beach Soccer) ee Soomaaliya. Siminaarkan oo socon doona muddo dhowr maalmood ah, ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa tayeynta iyo xirfadaynta tababarayaasha iyo garsoorayaasha Soomaaliyeed ee ciyaaraha xeebaha, iyadoo lagu casuumay khuburo sar-sare oo socday dalka Uganda. Furitaanka tababarka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan bahda isboortiga dalka, oo ay ka mid yihiin: Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine),Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xiriirka, Mudane Cabdirashiid Cabdulle Maxamed ,Madaxa Xiriirka Ciyaaraha Xeebaha, Mudane Abshir Cabdi Abshir, Madaxa Garsoorayaasha Soomaaliyeed, Xasan Yabarow Wiish ,Agaasimaha Isboortiga Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha , Mudane Saadaq Axmed Cabdulle iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga fulinta xiriirka K/cagta. Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa ku tilmaamay tababarkan mid muhiim u ah horumarinta ciyaaraha dalka, gaar ahaan ciyaaraha xeebaha oo ah fursad weyn oo dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku horumari karaan xirfadooda ciyaareed maadama aan leenaha Xeebo badan oo ku haboon Soccer Beach-ka. “Waa markii ugu horreysay ee noocan oo kale ah tababar lagu qabto gudaha dalka. Waa bilow muhiim ah oo aan ku dhiseyno saldhig adag oo aan ku gaari karno tartamo heer qaran iyo heer caalami ah,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabduqaadir. Sidoo kale, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Mudane Cali Shiine ayaa sheegay in tababarkan uu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo qeyb ka ah dadaallada xiriirka ee ku aaddan ballaarinta ciyaaraha dalka, gaar ahaan kobcinta iyo horumarinta ciyaaraha xeebaha ee aan horey si rasmi ah loogu qaban gudaha Soomaaliya. Siminaarkan ayaa noqonaya mid horseeda abaabulka tartankii ugu horreeyay ee rasmi ah ee kubadda cagta xeebaha ee Soomaaliya lagu qabanayo, iyadoo la rajeynayo in uu xoojiyo ka qeybgalka tartamada caalamiga ah ee Beach Soccerka. Photo by: Abdirahman Ali Ahmed (Shaataa)