
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XJFS waxaa sharaf wayn u ahayd in caawa Xaflada Bixinta Koobka Horyaalka iyo Abaalmarinada ay Wasaaraddu la dabaal dagtay kooxda ku guulaysatay koobka horyaalka Soomaaliya (Kooxda MCC) iyo dhammaan bahda isboortiga ee ku guulaystay abaalmarinada kali kelida ah.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XJFS waxaa sharaf wayn u ahayd in caawa Xaflada Bixinta Koobka Horyaalka iyo Abaalmarinada ay Wasaaraddu la dabaal dagtay kooxda ku guulaysatay koobka horyaalka Soomaaliya (Kooxda MCC) iyo dhammaan bahda isboortiga ee ku guulaystay abaalmarinada kali kelida ah. Waxaa xaflada ka qayb galay Agaasimaha Waaxda Horumarinta Isboortiga ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, madaxda sare ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Xiriirka, Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Maamulka Sare ee Bangiga IBS, bahda isboortiga iyo marti sharaf kala duwan. Masuuliyiinta kala duwan ayaa u hambalyeeyay kooxda MCC ee ku guulaystay horyaalka Soomaaliya iyo dhammaan guulaystayaasha kale ee abaalmarinada ku guulaystay.