
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS oo si weyn u xustay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS oo si weyn u xustay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka. Munaasabaddaan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS, Wasiirro, Xildhibaano, masuuliyiin ka socotay maamulka Gobolka Banaadir, Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Ururada Dhallinyarada iyo ardayda Jaamacadaha dalka. Munaasabadda waxa ay isugu jirtay khudbado ay soo jeediyeen masuuliyiinta kasoo qeybgashay, dood cilmiyeed ku aaddan doorka dhallinyarada ee fulinta yoolalka horumarka waara iyo bandhig ay qeyb ka mid ah dhallinyarada kusoo bandhigayeen hal-abuuradooda ganacsi. Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda maalinkaan caalamiga ah asagoo tilmaamay in Dhallinyarada Soomaaliyeed ay la noolyihiin duruufo kala duwan oo ay sababeen burburkii dalka. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS Md. Saalax Axmed Jaamac oo soo xiray munaasabadda ayaa Dhallinyarada Soomaaliyeed ku bogaadiyay doorka muhiimka ay ka qaataan dowlad-dhiska dalka.