Wararka

Wasiirka Dhallinyarada iyo Wakiilka UNICEF oo Kulan Muhiim ah Ku Adkeeyay Iskaashiga Awood-siinta Dhallinyarada Soomaaliyeed

Kulan heer sare ah oo lagu adkaynaayay iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan awood-siinta dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan hablaha iyo dhallinta da’da yar ayeey xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha kuwada qaateen maantay Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali iyo Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Sandra Lattouf. Kulanka oo uu guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa taageerada ay UNICEF siiso barnaamijyada Wasaaradda ee la xiriira Hannaanka Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga (YPS), iyo hirgelinta Qorshaha Qaranka ee Dhallinyarada Soomaaliya. Wasiirka ayaa ku amaanay UNICEF kaalinta muhiimka ah ee ay ku leedahay difaaca xuquuqda carruurta gaar ahana kuwa nugul iyo ilaalinta haweenka. Wuxuuna xusay in Wasaaraddu mudnaan gaar ah siineyso dhallinyarada, gaar ahaan hablaha da’doodu ka weyn tahay 15 sano, si ay u helaan cod, door muuqda iyo fursado ay kaga qaybqaataan go’aan qaadashada iyo horumarinta adeegyada bulshada. Wasiirku wuxuu tusaale u soo qaatay Shirkii Cimilada ee Dhallinyarada oo UNICEF ay taageertay, isagoo amaanay doorka hoggaamineed ee hablaha Soomaaliyeed ee arrimaha cimilada iyo wadahadalada qaran. Dhankeeda, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya Marwo Sandra Lattouf ayaa sheegtay in UNICEF ay ka go’an tahay inay sii wado taageerada ay siiso Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, si dhallinyarada Soomaaliyeed loogu xoojiyo fursadaha waxbarasho, shaqo-abuur iyo ka qaybgal bulsho oo wax dhisaya. Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqaynta dhow, si dhallinyarada Soomaaliyeed loogu aqoonsado inay yihiin laf-dhabarta nabadda, hal-abuurka iyo horumarka waara ee Soomaaliya.