Ciyaarta waxaa daah fuday raiisul wasaaraha XFS Md. Xamse Cabdi Barre.
Sidoo kale waxaa ciyaarta goobjoog ka ahaa gudoomiyaha xiriirka CECAFA , Gudoomiyaha Xiriirka Djibouti iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Dowlada .
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Cabdiqaadir Cali, ayaa dhaliyay goolka koowaad ee ciyaarta asagoona soo bandhigay xirfadiisa kubadeed .
Ciyaartan ayaa ahayd fursad lagu xoojinayo xiriirka isboorti ee u dhexeeya Isboortiga Soomaaliya iyo kan Afrika, iyadoo sidoo kale lagu dhiirrigelinayo dhalinyarada Soomaaliyeed si ay uga qaybqaataan horumarinta ciyaaraha.
Scroll to Top