Xiritaanka Tababar 10 Maalmood Socday oo Ku Saabsanaa Hogaaminta iyo Maamul Wanaagga
Agaasimaha Waaxda Dhalinyarada ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Ayan Mohamed Abdullahi ayaa soo xirtay tababar muddo 10 maalmood ah socday oo si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Netherland’s Institute for Multiparty Democracy (NIMD).
Tababarkan oo ahaa mid dhameystiran ayaa diiradda lagu saaray: Hogaaminta, Maamul wanaagga iyo Xalinta khilaafaadka
Waxaana ka faa’iideystay ka qaybgalayaal ka kala socday Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Golaha Dhalinyarada Qaranka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Ururada bulshada rayidka ah
Ka qaybgalayaasha ayaa tilmaamay inay tababarka ka barteen aqoon iyo xirfado muhiim u ah hogaaminta casriga ah iyo habka loo maareeyo khilaafaadka si waxtar leh.
Tababarkan ayaa ahaa dufcaddii ugu horreysay, kuna saabsan silsilad tababaro kale oo qorshahoodu horey u jiray kuwaas oo ay si wadajir ah u qaban doonaan Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo NIMD.





