Hogaanka Ururka Dhallinyarada SYV iyo qaar ka mid ah haldoorka dhallinyarada magaalada Muqdisho ayaa afur soo-dhaweyn iyo isbarasho ah u sameeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Mudane Axmed Xasan Yusuf.
Munaasabaddan ayaa ahayd mid lagu xoojinayay xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa wasaaradda iyo ururrada dhallinyarada ayadoo ka qeybgalayaasha ay si diirran u soo dhaweeyeen Agaasimaha Guud, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay ka shaqeeyaan horumarinta dhallinyarada iyo dalka.
Intii uu socday afurka waxaa la sameeyay su’aalo aragti-wadaag ah iyo hadalo ay dhallinyaradu ku soo bandhigeen fikrado iyo talooyin ku saabsan horumarka dalka, doorka dhallinyarada iyo sida ay uga qeyb qaadan karaan dhismaha mustaqbalka Soomaaliya Waxaana la is tusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo ururrada dhallinyarada.
Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane Axmed Xasan Yusuf ayaa uga mahadceliyay hogaanka SYV iyo dhallinyarada kale ee ka soo qeyb galay soo dhaweynta diirran, isagoo ku booriyay dhallinyarada inay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan horumarka dalka, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha dowladda si loo gaaro isbeddel muuqda




