Kulan muhiim ah oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha mudane Ahmed Hassan Yusuf oo uu la yeeshay Ku-xigeenka Wakiilka UNDP Christopher Laker ayaa ka dhacay Xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho .
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay iskaashiga muddada dheer ee u dhexeeya Wasaaradda iyo UNDP, gaar ahaan horumarinta ajendaha dhallinyarada Soomaaliya.
Waxaa kulanka diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa awood-siinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyadoo la horumarinayo maamul wanaagga, fursadaha dhaqaale, kuwa shaqada ,dhismaha nabadda iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.
Sidoo kale waxay wada xaqiijiyeen ka go’naanshahooda wadajirka ah ee ku aaddan in dhallinyarada Soomaaliyeed loo abuuro fursado wax ku ool ah, iyadoo la hubinayo saameyn muuqata iyo horumar waara oo mustaqbalka fog u leh Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga iyo UNDP
Scroll to Top