Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa galabtay kormeer iyo dhiirrigelin ugu tagay qaar ka mid ah ganacsatada dhallinyarada ah ee ka hirgeliyay caasimadda Muqdisho goobo madadaalo ah iyo meelo ay dhallinyaradu ku nastaan.
Booqashadan ayaa ahayd mid lagu muujinayo taageerada dowladda ee hal-abuurka iyo dadaallada ay sameynayaan dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa abuura fursadaha shaqo iyo horumarka dhaqaale. Wasiirka ayaa ku bogaadiyay ganacsatada da’da yar sida ay uga qayb qaadanayaan kobcinta dhaqaalaha iyo hagaajinta muuqaalka guud ee caasimadda isagoo ku tilmaamay xaruntaan Kifaax Business Park meel nuuceeda oo kale dhallinyarada Soomaaliyeed u baahnaayeen.
Intii uu socday kormeerka waxaa wasiirka ku weheliyay masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda oo uu ka mid ahaa Wasiirka wasaaradda Dekedaha iyo Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya. Masuuliyiintan ayaa iyaguna muujiyay muhiimadda ay leedahay in la taageero ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah oo ay dhallinyaradu hormuudka ka yihiin.
Ganacsiyadan sii kobcaya ayaa door weyn ka qaadanaya iftiiminta amniga Muqdisho maadaama goobaha madadaalada iyo adeegyada bulshada ay ka dhigayaan caasimadda meel bulsho oo amni ahaan la isku halayn karo. Sidoo kale waxay abuuraan shaqooyin ay dhallinyaradu ka helaan nolol-maalmeedkooda, taas oo ka qayb qaadanaysa yaraynta shaqo la’aanta isla markaana dhiirrigelinaysa horumar waara.
Guud ahaan kormeerkan iyo dhiirrigelinta la siiyay ganacsatada dhallinyarada ah waxay ka tarjumaysaa dadaalka dowladda ee ku aaddan xoojinta doorka dhallinyarada ee dhismaha iyo horumarinta dalka.





