๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐›๐š๐ง๐ช๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐“๐จ๐๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐—๐จ๐ซ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง ๐ค๐ฎ๐›๐š๐๐๐š ๐œ๐š๐ ๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฑ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ฒ ๐Š๐จ๐จ๐ฑ๐š๐ก๐š ๐‡๐Ž๐‘๐’๐„๐„๐ƒ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐‡๐„๐„๐†๐€๐, taasoo kusoo idlaatay (๐‡๐จ๐ซ๐ฌ๐ž๐ž๐ ๐Ÿ‘-๐Ÿ ๐‡๐ž๐ž๐ ๐š๐ง).
Ciyaartan ayaa ka mid ahayd barnaamijyada lagu maamuusayo ๐“๐จ๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐—๐จ๐ซ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š, iyadoo ujeeddadeedu ahayd dhiirrigelinta isboortiga iyo xoojinta dareenka waddaniyadda.
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS, ๐Œ๐: ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ช๐š๐๐ข๐ซ ๐‚๐š๐ฅ๐ข oo goob joog ahaa ciyaarta, ayaa hambalyo u diray kooxda Horseed guusha ay gaartay, sidoo kalena ku ammaanay labada kooxood ciyaarta quruxda badan iyo bandhigga hufan ee ay soo bandhigeen.
Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa qabanqaabada munaasabadaha kala duwan ee lagu xusayo Toddobaadka Xorriyadda, kuwaas oo isugu jira isboorti, dhaqan iyo wacyigelin, si loo adkeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
Scroll to Top