๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ญ๐๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐ ๐-๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ก๐ ๐๐ก๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐๐ซ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฒ๐๐๐ซ๐๐ก๐ ๐๐ ๐ก๐๐๐ซ ๐ ๐๐๐๐ซ๐๐๐ฅ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ก๐๐๐ซ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐ ๐ ๐จ๐๐จ๐ฅ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ ๐จ๐๐จ๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ง๐๐๐๐ข๐ซ ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐ ๐๐ฎ๐ซ๐ฆ๐๐ฒ.
๐๐๐๐๐๐๐๐, ๐๐ ๐๐๐๐ซ๐ฌ๐จ, ๐๐๐๐. Shirkan oo socon doona labada maalmood ee soo socda ayaa diirradda lagu saari doonaa kor u qaadidda wadashaqaynta wanaagsan ee haddaba ka dhaxaysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS iyo wasaaradaha dowlad goboleedyada, tartankii dowlad goboleedyada, siyaasadda qaran oo la isku raacsanyahay oo ay yeeshaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo qodobo kale oo muhiim ah.
Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo hadal ka jeediyay shirka ayaa wasiirrada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad goboleedyada dareensiiyay shaqada hortaala iyo baahiyaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee halista argagixisada, shaqo la’aanta, maandooriyaha iyo tahriibka, waxaa iyaguna hadallo furitaankii shirka ka jeediyay wasiirrada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Dhinaca wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS waxaa iyana shirka kalmado ka jeedisay Marwo Fahmo Axmed Nuur wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo agaasimaha guud Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye oo maalmaha uu shirku socdo hoggaamin doona kooxaha farsamada ee shirka si ay wasiirrada ugu soo gudbiyaan nuxurka la isku raacay.
Kulanka oo ah kii labaad tan iyo intii la dhisay xukuumadda DAN-QARAN ayaa la filayaa in go’aamo wax ku ool ah laga soo saaro labada maalmood ee uu socdo.