๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐ก๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐๐ซ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฒ๐๐๐ซ๐๐ก๐ ๐๐
๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฒ’๐๐๐๐ ๐๐๐ฑ๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ ๐ ๐๐ก ๐๐ ๐๐๐ข๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ฐ๐๐๐ ๐ฌ๐ก๐๐ช๐๐ฒ๐ง๐๐ฒ๐ ๐ญ๐๐๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐ฑ๐ข๐ซ๐๐๐๐๐ก๐ ๐๐ ๐๐ก๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐๐ซ๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐.
๐๐จ๐ ๐๐๐ข๐ฌ๐ก๐ฎ, ๐๐ ๐๐๐๐ซ๐ฌ๐จ, ๐๐๐๐.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo madaxa hay’adda Maxalliga ah ee IRise Cabdixakiim Sheekh Yuusuf Caynte ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo wasaaradda iyo IRise u saamaxaya inay iska kaashadaan tababarka iyo xirfad siinta Dhallinyarada Soomaaliyeed si loogu sahlo la qabsiga suuqa shaqada.
Kulanka lagu heshiiyay wada shaqaynta waxaa kale oo dhanka wasaaradda ka qayb-gashay
Agaasimaha Waaxda Tababarada iyo Xirfadaha (TVET) Ramla Cismaan Shariif iyo saraakiil kale oo wasaaradda ka tirsan.
Wasaaradda iyo Hay’adda IRise ayaa iska kaashanaya tababar siinta kumanaan dhallinyaro ah oo la barayo xirfado gaa-gaaban oo ay ku shaqaystaan si loo yareeyo shaqo la’aanta baahdan ee Dhallinyarada haysata.
Hay’adda IRISE ayaa horay u tababartay kumanaan dhallinyaro ah oo isugu jira kuwo duruufaha dalka ka jira ay u ogolaan waayeen inay dhamaystaan waxbarashada nidaamiga ah iyo kuwo xiiseeya farsamada gacanta iyo xirfadaha gaa-gaaban.





