Waxaa maalintii labaad galay shirka wadatashiga wasaaraddaha dhallinyarada iyo cayaaraha ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir ayuu agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa shir guddoomiyay shirka agaasimeyaasha guud iyo qaar kamid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradaha ka socda si ay isula meel dhigaan Nuxurka shirku isku raaci doono.
Qaybta farsamada ee shirka 2-aad ee wadatashiga wasaaraddaha dhallinyarada iyo cayaaraha ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa lagaga dooday siyaasadda Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo wasaaraddu ay dib u qortay iyadoo la waafijnayo caqabadaha iyo fursadaha haysta dhallinyarada Soomaaliyeed marxaladdan kala guurka ah ee inta badan gobollada dalka iyo degmooyinkiisa laga xoreeyay Al-Shabaab.
Siyaasadda Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo wasaaraddu wakhti badan gelisay si ay ula jaan qaaddo marxaladdan cusub ee dalku galay loona waafajiyo tiirarka horumarinta ee siyaasadda Xukuumadda DAN-QARAN ayaa iftiiminaysa baahiyaha xilligan iyo kuwa mustaqbalka ee dhallinyarada Soomaaliyeed.
Gelinka danbe ee maanta ayaa la filayaa inay shirka ku soo biiraan wasiirrada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir si ay hehsiis is af-garad ugu baddelaan waxyaabaha ay isku raaceen kooxaha farsamada ee shirka uu maanta hoggaaminayay agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye.



